Ceel-waaq – (warsoor) – Qarax maanta ka dhacay magaaladda Ceel-waaq waxaa ku dhintay Hal qof waxaana ku dhaawacmay 8 qof, qaraxan ka dhacay meel laga cunteeyo ka dib markii qaraxaasi la saaray goobta laga cuntaynaaye dusheeda.
Guddoomiyaha degmadda ceel-waaq ee gobolka Geddo Md. Ibraahim Guuleed Aadan oo ka warbixiyey qaraxan ayaa sheegay in qaraxani uu ahaa mid xooggan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobtan qaraxa lala beegsaday ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo kaliya.
Guddoomiye Ibraahin Guuleed ayaa qaraxan ku eedeeyey xoogaga Al-shabaab, waxaanu sheegay in baadhitaan ku samayn doonaa qaraxan.
This post is also available in:
Somali