Warning: The magic method WPML_Absolute_Url_Persisted::__wakeup() must have public visibility in /customers/d/3/4/warsoor.net/httpd.www/wp-content/plugins/sitepress-multilingual-cms/classes/url-handling/resolver/wpml-absolute-url-persisted.php on line 30 Qarax Gaadhi oo Ka Dhacay Saaka Magaaladda Muqdisho – WARSOOR

Qarax Gaadhi oo Ka Dhacay Saaka Magaaladda Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Qarax loo adeegsaday gaadhi walxaha qaraxa lagu soo rakibay ayaa goor dhawayd ka dhacay agagaarka huteel weheliye ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay ilaa hadda inay ku dhinteen 5 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaadhay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo gaadhida gurmadka ah, waxaan la sugay amaanka goobta. Dadka ku dhaawacmay ayaa loola cararay cusbitaaladda magaaladda.

Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ilaa hadda warar faahfaahsan ka soo saaray, waxaana socda baadhitaano la xidhiidha qarax.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap