Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo Hadhimo sharafeed ku Qaabilay Odayaasha iyo Wax-garadka laba beelood oo dhawaan ku Diriray Deegaanka Ceel-afweyn

“ Mudanayaal dhibaatada Deegaanka Ceel-afweyn ka dhacday annnagu dawladd ahaan aadbaanu ugu damqaynaynay.” Wasiir Xaashi

Hargeysa – (warsoor) –  Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa hadhimo sharafeed ku qaabilay odayaasha iyo wax-garadka laba beelood oo dhawaan diriri ku dhex martay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka hadlay qado sharafeedkaasi oo shalay lagu qabtay Hotel Sumertime, qaybtiisa Green Plaza ayaa sheegay inay Xukuumaad ahaan aad ugu damqanayeen sii socoshada colaadaasi isaga oo dhaweeyey is agaradka ilaa hada la gaadhay.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale tilmaamay inay Xukuumaddu aduun, xoog iyo maskaxba galisay sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi u dhaxeeyey beelaha walaaha ah ee wada wadaga deegaanka Ceel-afweyn.

Hadaladii Wasiirka ayaa waxa ka mid ahaa “ ILAHAY ayaa ku mahadsan inoo fududeeyey munaasibadan, mar labaadka waxaan u mahad naqayaa waayeelka iyo waxgaradka madashan maanta isugu yimid, oo ay gundhig u yihiin waayeelkii iyo odayaashii hawlaha nabada ka waday deegaanka Ceel-afweyn, haday tahay kuwo Hargeysa joogay iyo haday tahay ragii odayaasha ahaa ee laga soo xidhay Ceel-afweyn ka dib markii shaqaaqooyinku dhaceen, masuuliyiinta kale duwan dhamaantood way mahad san yihiin. Nuxurka munaasibadu waxa uu ahaa in aanu idin sii sagootino, idinkuna sii dardaarno nabadii aad qaadateen iyo hilowgii iyo kalgacalkii quluubtiina ILAHAY isu kiin mariyey ee aad garwaaqsateen in mushkilada idin dhex taala aad dhamayn kartaan, in aanu idiinku sii ducayno idinkuna sii dardaarno.”

“ Xaalad aan fiicnayn ayaa ka dhacday deegaanka Ceelafweyn, arrintaasi marna tabriirin mayno, binu aadamku wuu gafaa, wuu khaldamaa waxa xuna shaydaanbaa keena, ILAHAY looma nisbeeyo, hasayeeshee bini-aadamka kiisa ka soo noqda ee garwaaqsada khaladka ayaa ugu khayr badan, wixii halkaa ka dhacay wax wanaagsan ma ahayn, shaydaan baa ka adeegay khasaare weyn ayaa ka dhashay dhimashada, dhaawaca iyo dadka ku arwaax waayey waxa ka khasaare weyn quluubta, riximka iyo dadka is ah ee calooshoodii kala guurtay ayaa wax walba ka weyn, taas ayaa u baahan in dib loo talo, ma soo noolayn karno kuwii dhintay, idnkuna ma soo noolayn kartaan, waxa se wax ka qaban kartaa, ama hadaynu is kaashano, Alle-na barino wax ka qaban karnaa in aynu inta noolna u talino, quluubta dadkaa kala haajiray ee is dhalay ee bog iyo wadanaha ah aynu dib u wanaajino, cidii wanaagaas ka shaqaysaa wanaag ayey xaga Alle ka helaysaa.”

Geesta kalena Wasiirka Madaxtooyadda JSL ayaa ka hadlay xaalada abaarta ee colaada u dheer reer Ceel-afweyn waxaanu yidhi “Maanta abaarina way idin haysaa, colaadina deegaanka way ka jirtaa, waa laba khasaare, degmada Ceel-afweyn ee aad ku dhaqan tihiin waxa ay ka mid tahay dhulka ugu qiimaha badan ee barwaaqo sooranka iyo dalsanka ah ayey ka mid tahay, waa degmada ugu weyn degmooyinka Somaliland dhul ahaan, waana degmooyinkii guunka ahaa ee 1964-kii la bixiyey ee derejada B-da ahaa, dadka ku noolina waa dad badan, marka xoolo laga waramayana xoolaha ugu qiimaha badan ayaa meeshaa ku nool, waxa uun ka maqani ee loo yeedhaa waa balaayo, barwaaqo iyo barqosan marka qofku isla helo, waxa ka maqani waa shar iyo balaayo, waxaanu leedanahay caqliga sani inuu shaqeeyo ayaa muhiim ah. Odayaashiina odhan mayno fidnada idinkaa abuuray, dambi gaar ah oo aanu idinku oogayno oo aanu idin leenahay idinkaa waxaa sameeyeyna ma jiro, waxaa tihiin dadkii odayaasha ahaa ee nabada nagala shaqaynayey, xadhiga dawladdu idin soo xidhay, micnahiisu ka turjumi maayo inaad idinku dambiileyaal tihiin, laakiin wuxuu ka turjumayaa in aanu isu kiin cadaadinaynay, in aanu qoorweyntii iyo maskaxda in aanu doonaynay in aanu cadaadino oo culays saarno oo tallo kale timaado, xikmada xadhigu intaas ayey ahayd, in kuwa maskaxda lihi ay is helaan ay garwaaqsadaan wax, waa siyaasad dawlahuhu isticimaalaan, ilaayo gumaystihii Ingiriiska, waana siyaasad fiican.”

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ugu dambayntii hambalyo u diray ciidamada qaranka oo uu ku bogaadiyey kaalintay ka qaateen nabadaynta deegaamadaasi waxaqanu yidhi “ Mudanayaal dhibaatada halkaa ka dhacday annnagu dawladd ahaan aadbaanu ugu damqaynaynay, waa mar ee horta isukumaanu kiin dirin, waa mar labaadkee isku maanu kiin eegin, waanu idiin soo gurmanay, waxba dawlad ahaan lamaanu hadhin, waxaanu keenay ciidamadii qaranka oo aan jecelahay inaan halkan ugu hambalyeeyo dadaalkay muujiyeen iyo doorkii ay ka qaateen nabadaa iyo meelkasta oo colaadi ka dhacdo Somaliland, amniga dalka iyo dadka ayey sugaan dadkooda ayey ku kala guntadaan, sagaal guuto oo ciidan ah ayaanu keenay, dhaqaale, muruq iyo maskaxba waanu galinay sidii nabada deegaamadaasi loo xaqiijin lahaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.