Qabanqaabada Xaflad Uu Isku Caleemo Saarayo Siyaasi Axmed Muumin Seed Oo Borama Laga Dareemayo Xili Uu Gudoomiye Ciro Go’aan Ka Qaatay Musharaxnimada Seed

Borama – (warsoor) –  Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbi Mucaradeedka Waddani Ahmed Muumin Seed oo sheegayna In Uu Tartamayo Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbigaasi ayaa Laga Dareemaya Magaalada Borama Xaflad Uu Isku Cumaamadayo In Uu Uu Tartamayo Jagadaasi Iyada Oo Muhdi weyni Uu Ku Jiro Hanaashada Xilkaasi ee siyaasi Seed.

Axmed Muumin Seed

Qaar Ka Mida Wadooyinka Magaalada Borama ayaa waxa saaka lagu arkay sawiro uu ku xardhan yahay Axmed Muumin seed isla markaana ku qoran yihiin musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga waddani iyada oo arinkaasi uu horay ugu guusgooyey gudoomiye ciro balse ilaa hada lama garan karo sababta saxda ah ee ka danbaysa soo rogaal celinta hanka siyaasadeed ee siyaasi seed.

Siyaasi seed oo sheegay in uu wakhtigan musharax yahay ayaa waxa kale oo jira Eng.A/raxmaan daahir aadan oo ah xoghayaha xisbiga waddani ee maraykan ayaa isagna sheegay in uu musharax yahay iyada oo labadan musharax ay isku beel ka soo wada jeedaan marka la eego samaynta siyaasada uu kaga xoog badan yahay dhanka beesha iyo galbeedka Eng.A/raxmaan daahir aadan oo si weyn siyaasadiisa looga dareemo magaalada borama.

Xaflada la sheegay in uu qabsanayo siyaasi seed ayaa la filayaa in ay qabsoonto maalmahan fooda nagu soo haysa oo uu badan maalinta jimcaha ee soo socota.

Axmed Muumin Seed ayaa Horey Loogu qanciyey in uu ka tanasuulo tartankaasi madaama aan wakhtigan loo baahnayn musharaxnimadiisa iyada oo ilaa hada jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga waddani ay uu tartamayaan 9 siyaasi oo markaasi ka soo jeeda gobolada galbeedka iyada oo si weyna loo saadalinayo in uu xilkaasi ku guulaysto ambasadoor maxamed cali aw-cabdi.

Warar Madax Banaan oo Naga Soo Gaadhaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in uu dib uu dhacay markii labaad wakhtigii la qoondeeyey in uu qabsoomo shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga waddani balse ilaa hada ma cado mudo dib loo dhigay iyo sababta ka danbaysa in uu shirweynihii dib uu dhac uu ku yimaado.

Si kastaba ahaate musharaxnimada Ahmed Muumin Seed ayaa Ilaa hada aan la garayn Sababta ka danbaysa in uu xilkaasi uu tartamo isla markaana kharash badan uu ku khasaariyo xili uu si cad ugu qanacsan yahay in uu xilkaasi ku guulaysanayn balse waxa laga war sugi doona halka uu ku danbeeyo hanka siyaasadeed ee Axmed Muumin Seed.

BY.ENG. MAHAMED SHARBI YARE

BORAMA/AWDAL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Qabanqaabada Xaflad Uu Isku Caleemo Saarayo Siyaasi Axmed Muumin Seed Oo Borama Laga Dareemayo Xili Uu Gudoomiye Ciro Go’aan Ka Qaatay Musharaxnimada Seed

Borama – (warsoor) –  Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbi Mucaradeedka Waddani Ahmed Muumin Seed oo sheegayna In Uu Tartamayo Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbigaasi ayaa Laga Dareemaya Magaalada Borama Xaflad Uu Isku Cumaamadayo In Uu Uu Tartamayo Jagadaasi Iyada Oo Mugdi weyni Uu Ku Jiro Hanaashada Xilkaasi ee siyaasi Seed.

Axmed Muumin Seed

Qaar Ka Mida Wadooyinka Magaalada Borama ayaa waxa saaka lagu arkay sawiro uu ku xardhan yahay Axmed Muumin seed isla markaana ku qoran yihiin musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga WADDANI iyada oo arinkaasi uu horay ugu guusgooyey gudoomiye ciro balse ilaa hada lama garan karo sababta saxda ah ee ka danbaysa soo rogaal celinta hanka siyaasadeed ee siyaasi seed.

Siyaasi Seed oo sheegay in uu wakhtigan musharax yahay ayaa waxa kale oo jira Eng. Abdiraxmaan Daahir Aadan oo ah xoghayaha xisbiga waddani ee maraykan ayaa isagna sheegay in uu musharax yahay iyada oo labadan musharax ay isku beel ka soo wada jeedaan marka la eego samaynta siyaasada uu kaga xoog badan yahay dhanka beesha iyo galbeedka Eng.A/raxmaan daahir aadan oo si weyn siyaasadiisa looga dareemo magaalada Borama.