Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Goboladda Salal iyo Awdal oo Xilkii Iska Casilay

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyihii maxkamadda racfaanka ee goboladda Awdal iyo Salal Garyaqaan Idiris Faarax Muuse ayaa si rasmi ah xiligii gudoomiyenimo isaga calisaya.

farx

Gudoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyey Telefishanka SOMALI NEWS ayaa sheegay inuu xilkaasi isaga casilay sababo la xidhiidha isfaham la’aan ka dhexaysa bahda cadaaladda.

Gudoomiye Idiris Faarax Muuse oo ka hadlaya iscasilaadiisa ayaa yidhi, “Xilkaana waan iska casilay xilkii aan u hayey garsoorka gudoomiyaha Racfaanka ee goboladda Awdal iyo Salal Laga bilaabo maanta  iyo saacadaa aan kula hadlaayo waan iska casilay”, sidaasi waxaa yidhi Garyaqaan Idiris Faarax.

Gudoomiyaha Rafcaanka goboladda Awdal iyo Salal oo si kooban u sheegay sababta iscasilaadiisa ayaa sheegay in bahda cadaaladda ay isku fahmi waayeen hanaanka cadaaladda, waxaanu ku gaabsaday inuu gadaal ka sheegi doono sababta ay iscasilaadiisu salka ku hayso.

Halkan ka daawo warka iscasilaada gudoomiyaha maxkamadda racfaanka ee goboladda Awdal iyo Salal  oo aanu ka soo xiganay Channel-ka Sharmi Media Production:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.