Golaha Wakiiladda oo Ansixiyey Xeerka Qaxoontiga iyo magan-galyo doonka JSL

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada JSL oo uu shirgudoominayey gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada JSL Md. Siciid Mire Faarax (Giire) ayaa maanta qodob qodob cod ugu qaaday Xeerka Qaxoontiga iyo magan-galyo doonka JSL oo golaha Guurtidu wax ka bedel iyo kaabis ku soo sameeyey.

Golaha ayaa qodob kasta gaarkiisa cod ugu qaaday qodobadii ay wax ka soo bedeleen golaha guurtidu waxaana gebagebadii loogu codeeyey sidan

Golaha waxa fadhiyey 44 xildhibaan

Waxa ogolaaday 33 xildhibaan

Waxa diiday 0

Waxa ka aamusay 10 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin.