Musharaxa Xisbiga WADDANI Oo Si Rasmi ah U Aqbalay Natiijaddii Doorashadda

Hargeysa – (warsoor) – Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay inuu aqbalay natiijaddii doorashadda madaxweynaha ee koomishankaa doorashooyinku ku dhawaaqeen 21 November, 2017.

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo xalay qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay doorkii uu ku lahaa doorashooyinkii iyo xilalkii uu dalka ka soo qabtay iyo arimihii dhacay intii doorashaddu socotay.  Gudoomiyee Cirro ayaa yidhi, “Markaan la tashaday xisbiga waxaan qaatay maanta go’aan qadhaadh oo aan hubo in aanu farax galinayn taageerayaash acodkooda la boobay kaas oo ah mid lagu badbaadinaayo midnimadd aummada Somaliland iyo amaanka qaranka, umaan tanaasulin Muuse Biixi, Umana Tanaasulin Kulmiye, waxaan u tanaasulay nabada iyo wadajirka iyo midnimadda umadda Somaliland, waxaan go’aansaday in aan natiijadda gacan ku samayska ah ee la dhoodhoobay aan aqbalo sidii uu hore u yidhi Madaxweyen Daahir Riyaale gacantayda Somaliland ku burburimayso, aniguna waxaan leeyahay dalkayga damacayga u burburin maayo, dadkaygana dhiigooda u daadin maayo, waxaanse ka baqayaa inay gacnata Kulmiye ku Burburto”.

Guddoomiyaha xisbiga WADDAN ayaa xukuumadda Somaliland ka codsaday in xoriyadooda loo soo celiyo taageerayaashii iyo xubnihii xisbiga ee la xidhxidhay muddaddii lagu jiray ololaha doorashadda iyo doorashadda dhexdeeba.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Cirro:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.