Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Deegaanka Oog Ee Gobolka Sool

Widhwidh – (warsoor) – Waxaa maanta si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanka OOG Ee Gobolka Sool Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Murashaxa ayaa soo dhawayn aad u balaadhan kala kulmay shacabka Deegaankaasi, kuwaas oo iyagu iskood isu abaabulay.

Waxaana uu Murashax Faysal Cali Waraabe u jeediyay khudbad, isagoo sheegay in ay u socdaan ka qeyb galka xafladda Daah-furka Qaadashada kaadhka codaynta oo maalinta barri ah ka furmaya Gobolada Sool iyo Sanaag .
Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa carrabka ku adkeeyay in aanay u socon olole, balse u socdaan sidii ay bulshada ugu wacyigalin lahaayeen qaadashada kaadhka codaynta.

Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa Taageero dhab ah oo aan dhalanteed ahayn ka haysta bulshooyinka ku dhaqan Gobolada Bari Ee Somaliland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.