Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Galbeedka Gobolka Sool

Laascaanood – (warsoor) – Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo socdal ku maraya gobollada bariga dalka, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada galbeedka gobolka Sool maanta.

Weftiga Guddoomiyaha oo ka kooban masuuliyiin sarsare ee KULMIYE, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, saraakiil iyo siyaasiyiin waawayn oo ka mid ah xisbiga, kuwaas oo ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho wacyigelinta qaadashada kaadhadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland oo ka bilaabmaysa labada gobol ee Sool iyo Sanaag maalinta Sabtida, waxaanna deegamada degmada Oog, Guumays, degmada Yagoori, Tuullo samo-kaab iyo magaalada Laascaanood ay isku mareen si aan kala go’ lahayn soo dhawaymo aad u waawayn oo kala horyimaadeen shacabka ku dhaqan dhulkaasi.

Weftiga oo ka ambabaxay magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar oo ay u hoydeen xalay, waxa dhammaan magaalooyinka u dhexeeya Caynaba ilaa Laascaanood ku qaabilay kumanaan dadweyne ah oo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga, kuwaas oo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin xisbiga, murrashixiisa madaxweyne iyo weliba waxqabadka ay dalka ka hirgelisay xukuumadda KULMIYE, waxaanna Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee wehelinaysaa ay dadweynahan kala hadleen fagaarayaal kala duwan oo ay si weyn ugaga mahadceliyeen taageerada iyo gacaltooyada ay u muujiyeen.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah isimada magaca weyn ku leh deegaannada Bariga dalka, ayaa si kal iyo laab ah guddoomiyaha iyo weftigiisa ugu soo dhaweeyey deegaanka Yagoori isagoo hormood u aha boqolaal ka mid ah dadweynaha deegaanka, waxaannu bogaadiyey dadaalka iyo murrashaxa iyo weftigisu ugu jiraan ku wecyigelinta bulshada ee qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha.

Sidoo kale, madaxdhaqameed, cuqaal, hormoodka qaybaha bulshada ee haweenka, siyaasiyiinta iyo dhallinyarada ee deegaamadaasi, ayaa iyaguna ku ammaanay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa booqashada ay ugu yimaadeen, iyagoo ku dheeraaday waxqabadka muuqda ee xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay deegaanadooda.

Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos iyo masuuliyiin kale oo KULMIYE ah iyo wasiiru-dawlaha Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo deegaamo kala duwan kala hadlay dadweynaha, ayaa uga mahadnaqay sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanay uga warramay ujeeddada socdaalkooda oo ay ku boorriyeen bulshada inay si buuxda u qaataan kaadhka codbixiyaha oo muhiimad wayn u leh muwaadinka iyo qarankaba.

Sidoo kale, shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa soo bandhigay isu soo bax ballaadhan oo aanay u kala hadhin ku qaabilay weftiga xisbiga KULMIYE, kuwaas oo kaga hortagay Guddoomiyaha iyo madaxda la socotay meel ka baxsan magaalada Laascaanood, waxaanay muujiyeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga.

Dadweynaha reer Laascaanood iyaga oo wata boqolaal gaadiid ah oo lulaya calamada xisbiga waxay murrashaxa iyo weftiga la socday u galbiyeen gudaha magaalada oo ay ku soo wareejiyeen dariiqyada gudaha Laascaanood.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay dhammaanba bulshooyinka soo dhaweeyey ee ku dhaqan deegaannada hoos yimaada degmooyinka Oog, Yagoori, Adhi-caddeeye iyo Laascaanood, ayaa mahadnaq ballaadhan oo uu kaga dareen-celiyey sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay usoo dhaweeyeen, isla markaana waxa uu ku dhiirrigeliyey shacabka inay u diyaargaroobaan oo qaataan kaadhadhkooda codbixinta doorashooyinka dalka.

Halkan ka daawo Khudbaddii Guddoomiye Muuse Biixi ee deegaanka Guumays

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.