Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada Golaha, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbigaasi ee gudo iyo dibad ba, waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa guud ahaan umadda Islaamka ah iyo shacabka Somaliland isaga oo ugu hambalyeynaa munaasibadda Ciidul-fidriga ee sanadka 1438-ka oo ku beegan maalinta beri ah.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), waxa kale oo uu si gaara hambalyo ugu dirayaa ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, shaqaale weynaha qaranka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba isaga oo qaranka u rajeeyey in Eebe uu gaadhsiiyo Ictiraaf iyo weli ba horumar aad u ballaadhan.

Guddoomiye Cirro, waxa ugu dambeyntii uu Eebe ka baryayaa in uu xanuunka ka dulqaado intii buktay ee xanuunsaneysay isaga oo sida oo kale na inta kale na u rajeeyey caafimaad iyo cimri dherer, waxa kale oo uu guud ahaan shacabka Somaliland uu u rajeeyey in ay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan caafimaad, cimi-dherer, horumar iyo barwaaqo.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.