Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Kulan Ballaadhan La Qaatay Aqoonyahanka Dhallinyarada reer Somaliland ee Ku Nool Dalka Ingiriiska

London – (warsoor) – Kulan ballaadhan oo ay isku xog-waraysanaayeen Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro iyo dhallinyarada aqoonyahanka ah ee wax ku baratay dalka Ingiriiska misna taageerta Xisbiga WADDANI, ayaa xalay ka dhacay magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska.

Kulankan oo sida oo kale ay ka soo qeyb-galeen hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, xildhibbaano, siyaasiyiin iyo weli ba qaar ka mid ah mas’uuliyiinta laamaha dibadda ee Xisbigaasi.

Qaar ka mid ah dhallinyarta aqoonyahanka ah ee taageerta Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ku nool wadanka Ingiriiska oo ugu horreyn kulankaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba si aada u soo dhaweeyey socdaalka ay mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI ku joogaan dalka UK, iyaga oo carabka ku dhuftay in ay si aada u la dhacsan yihiin misna ay taageero buuxda u hayaan siyaasadda hoggaamineed ee Xisbiga WADDANI iyaga oo halkaas mas’uuliyiintii ku sugnaa u soo jeediyey talooyin aad u badan sida oo kale na su’aalo tira badan oo ay xog-oggaal ugu noqonaayeen xaaladda dalka weydiiyey weftigii ay halkaas kulanka kula qaateen, waxaana ay ugu dambeyntii balan-qaadeen in ay sii balan laabi doonaan dedaalka iyo taageerada ay u hayaan Xisbiga WADDANI iyaga oo xusay in ay cudud iyo xoog ba ay ku soo biirin doonaan Xisbigaasi.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo mas’uuliyiin tira badan oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay kulankan la qaataan dhallinyarta reer Ingiriis ee qurba-joogta Somaliland, waxaana ay uga xog-warameen hawlaha Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale xaaladda guud ee dalka oo ay sheegeen in dalku uu maanta u baahan yahay badbaadin heer qaran ah.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay ugu dambeyntii, ayaa halkaas dhallinyarta uga soo jeediyey hadalo iskugu jiray xog-waran, dhiiri-gelin iyo tallooyin ba isaga oo si aada ugu dheeraaday siyaasadda Xisbiga WADDANI ee dhallinyarada oo uu tilmaamay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga dhallinyarada iyo cadaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.