Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Urdun

Muqdisho(SONNA)…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka dhoofay garonka diyaaeadaha ee Aadan Cadde ,iyagoo ku sii jeeda dalka Urdun oo ay maalinimada berito ah kaga qeybgali doonaan shirka dalalka Jaamacadda Carabta ee ka furmaya deegaanka Baxru meyt ee duleedka caasimadda Cammaan.

Shirkaasi oo Madaxda dalalka Jaamacadda carabta ay berito oo ku began 29-ka bisha narso ka qeybgalayaan waxaa ,r looga hadlaayo qodobbo dhowr ah oo la xiriira arimaha siyaasadda,dhaqaalaha iyo kuwa bulshada,

Shirkasi oo ay soo qaban-qaabiyeen madaxda dalka Urdun,ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Baxru Meyt oo 25-kiilo mitir koonfur galbeed kaga began magaalada Caasimadda ah ee cammaan.

Shirkaasi oo ah kii 28-aad ee u qaboomaya wadamada jaamacadda Carabta,waxaa lagu lafaguri doonaa arimo ay ka mid yihiin qadiyadaha dalalka ku jira Jaamacadda carabta ,gaar ahaan dhinayada siyaasadda,dhaqaalaha iyo kuwa bulshada ee taagan xilligaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,ayaa lagu wadaa in uu berito ka qeybgalo shirka dalka Urdun uga furmaya dalalka Jaamacadda Carabta,halkaasi oo uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan arimaha Soomaaliya,,gar ahaan sidii wax loogu qaban lahaa dowladdacusub ee xilligaan laga filayo soo celinta ammaanka dalka,gacansiinta dadka barakacayaasha ah ,dib u dhisidda ciidamada dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Wafdiga uu hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku dii sagootiyay qaar ka mid ah xubnaha lagada aqal iyo saraakiil kale

Maalinimadii shalay wasiirada Arimaha Dibadda ee dalalka Jaamacadda carabta ayaa dalka Urdub ku yeeshay shir gogol-xaar ah oo ay berito isugu imaanayaan madaxda Jaamacadda Carabta.

Dalka Muritaaniya ayaa sanadkii hore lagu qabtay shirkii 27-aad ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Xigasho:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.