Munaasibadda Midawga Isbedel-Doonka Somaliland Ee Samadoon Iyo Xisbiga Ucid Oo Maanta Ka Dhacday Maansoor Hotel Ee Hargaysa

Hargeysa – (warsoor) – Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ergooyin isaga kala yimid Gobolada Somaliland oo ka socday Dallada Sama-Doon ee isbedel-doonka ah, Masuuliyiin ka socday Xisbiga UCID, DHalinyaro, Taageerayaal iyo Marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayn Halkaasi ka hadlay Xubno ku hadlayay afka Dallada Isbedel-Doonka ah Ee Sama-doon, waxaanay ka warameen ujeedoyinkii ugu muhiimsanaa ee loo aasaaday Ururkan, iyagoo sheegay in Ururkan ay ku bahoobeen Dhalinyaro Aqoonyahan ah oo isbedel-doon ah.
Sidoo kale Waxay sheegeen in Dhalinyaradani ay ku midoobeen Mabda’a, kaas oo ah in dalka uu ka dhaco is beddel.
Dhalinyaradan ayaa Cod-dheer ku sheegay in ay dalka la rabaan is beddel togan, isla markaana ay go’aansadeen in ay ku biiraan Xisbiga UCID oo ay sheegeen in ay u arkeen In uu yahay Xisbiga Kaliya ee is beddel caafimaad qaba dalka ka dhalin-karaa.

Ugu danbeen Waxay halkaasi ka caddeeyeen in ay maanta wixii ka danbeeya ay cududdoodi ku biiriyeen Xisbiga UCID.

La Taliyaha Gudoomiyaha ee dhinaca Shareecada Sheekh Abu Sufyaan, Xog-hayaha Dhalinyarada C/casiis Xuseen ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen Dhalinyaradan isbedel-doonka ah.

Xafladaasi waxaa soo gunaanaday Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaanu bogaadiyay Dhalinyaradan, isagoo sheegay in Garabka Dhalinyarada Ee Xisbigaasi uu ku wareejin Doono Dalladda Sama-Doon ee Isbedel-doonka ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dalku u baahan-yahay Isbeddel, waxaanu ka warramay oo uu ku dheeraaday Xaaladda uu dalku ku suganyahay, Caqabadaha iyo duruufaha ku gadaaman, iyo sida looga bixi karo.
Ugu danbeen Xisbiga UCID iyo Dallada Sama-Doon ayaa kala saxeexday Heshiis, iyadoo xafladduna ay ku soo dhamaatay Jawwi Degen.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.