Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyo u Diray Shaqaalaha Weynaha Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaal hambalyo ah u dirya shaqaale weynaha Somaliland ee ku sugan goboladda dalka oo dhan.

Dhambaalkan hambalyadda ah oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Xuseen Dayr ayaa u dhignaa sidan:

“Hambalyadda Madaxweynaha ee Munaasibadda Maalinta Shaqaalaha Aduunka 1-da May.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa munaasibada 1-da May awgeed, wuxuu hambalyo iyo bogaadinba u diray dhammaan Shaqaale-Weynaha JSL, meel kasta oo ay ku sugan yihiinba.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha JSL, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyadoo weliba ay dalka ka jiraan duruufo abaaro baahsan iyo xaalado dhaqaale oo adag.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha JSL, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankeena u hayaan.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.