Maykal Keating oo bogaadiyey doorashooyinka ka socda Xarumaha dawlad gobaleedyada Dalka

Muqdisho(SONNA):-Wakiilka gaarka ee QM ee arrrimaha Soomaaliya, Amb. Maykal Keating ayaa si aad ah u bogaadiyey doorashada aqalka hoose ee baarlamanka ee ka socota xarumaha dalwad gobaleedyada dalka.

Waraysi gaar ah oo uu siinaya Warbaahint Qaranka ayuu ku sheegay in ay tahay wax la bogaadiyo doorashooyinka marka loo eego sida ay wax u socdaaan, iyo suurta galnimada sida ay ku qabsoomi karto doorasho noocaan oo kale oo ay dadbadan su’aalo gelinayeen markii hore.

“Waxaan leeyahay hambalyo, doorashadana si wanaagsan oo lagu farxo ayey u socotaa, boqolkiiba 40 wax ka badan ayaa ku soo baxay oo Xildhibaano noqday, waxaana ay isugu jiraan, kuwa cusub oo da’yar wiilal iyo gabdho leh iyo kuwa hore oo da’ah intaba”, Sidaa ayuu ku yiri wareysigan Keating.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd suurta galnimada in doorashada madaxtinimo markale dib u dhacdo ayuu sheegay in rajo wayn uu ka qabo in wakhtigeeda ay dhacdo balse aanu meesha ka saari Karin dib u dhac ku timaada wakhtiga loo madlan yahay oo ah bishan November 30-keeda.

Ambassador keating ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta colaada magalada Galkacyo ee uu nabadaynteeda awgeeda laba jeer u tagay, si la’isugu dabqaado heshiis rasmi ah oo xabbad joojineed-na ay u gaaraan maamulada Puntland iyo Galmudug.

“Sheekada Gaalkacyo waa mid adag waxaana la’isku hayaaa arrimo dhawr ah oo la xiriirta muran dhul, mid kheyraad iyo dastuuri intabada, waxaana jiray heshiis nabbadeed oo 1990-meeyada lagaaray, balse hadda waxaa jirtay dadaalo labada hogaamiye Guleed iyo Gaas meel la’isugu keenay, ra’isul wasaaraha ayaa goob jog ahaa, ana laba jeer ayaan u tagay arrimaha nabbadda magaaladaasi, waana in ay bulshada ku dhaqan oo idil ay ka qayb qaataan nabbadeynta magaalada Gaalkayo.

ok-1-640x480

Ugu danbeyn Keating ayaa walaac ka muujiyey xaalada abaraha ee ku dhuftay qaybo badan oo dalka kamida ah, wuxuuna xusay in QM ay diyaar la tahay iney ka jawaabto baahidaas beni’adanimo balse dawlada Soomaaliya iyo maamulada laga donayo in ay diyaariyaan jawi dadkaasi lagu gaari karo.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.