Maydadka Maleeshiyada Weerartay Naasahablood1 oo la soo bandhigay

Muqdisho – (warsoor) – Afhayeenka wasaaradda Amniga xukuumada Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri oo warbaahinta kula hadlay Hotelka Naasahablood1 oo Argagixisadu galabnimadii Sabtida ay weerar ku qaadeen.

Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay ku guulaysteen inay soo afjaraan weerarka sidoo kalana ay toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.

maydka-Qarxiyayaashii

Afhayeenku wuxuu warbaahinta tusay Maydadka Sadax ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday kuwaas oo ay dileen ciidamada amaanka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka ku geeriyooday weerarkaan ay gaarayaan 16-ruux kuwaas oo qaarkood uu ku dumay dhismaha Hotelka intii uu socday weerarka.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Wasiiru dowlihii xafiiska Rasโ€™iisal wasaaraha ee Arimaha Bayโ€™adda Burci Maxamed Xamsa kaas oo ka mid ahaa dadka daganaa Hotelka.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.