Maxkamadda Ciidamada Miltariga Soomaaliya oo xukuntay eedeysanayaal

Muqdisho – (warsoor) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed C/wali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas.

Dilkaas ayaa ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28 kii Maarso ee Sanadkan 2020-ka.

Xigasho: SONNA