Duqayn ka dhacday Gobolka Baay oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Muqdisho – (WARSOOR) – Shan xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Saacadihii lasoo dhaafay degaanka Xabaal- barbaar ee Gobolka Baay.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka ee Africa (Africom) ayaa ahaa mid si weyn looga taxaddaray in aysan dhibaato kasoo gaarin Dadka rayadka ah.

War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Africom ayaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Argagixisada, iyagoo ka feejigan in ay waxyeello soo gaadho Dadka rayadka ah ee goobahaasi ka ag dhow.

Xigasho: SONNA