Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Norway oo ka wada hadlay xakameynta COVID-19

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Norway, Ine Eriksen Soreide ayaa kulan dhanka Internet-ka ah (video conference), kaga wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood, dedaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka barta go’aanka (decision Point), ayaa caddeeyay in Dowladdu sii wadeyso dedaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo barta dhammaadka (completion point).

Ine Eriksen Soreide ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guusha uga soo hoyatay dedaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in Dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga Dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.

Xigasho: SONNA