Maxkamada ciidammada qalabka sida oo u fariisatay Dacwada loo haysto ragii dilay Cabaas Siraaji

Muqdisho – (warsoor) – Maxkamadda Ciidamada Qalbka Sida ayaa markale u fariisatay kiiska dacwadii la xiriirtay Allaha Unaxariiste Marxuum x wasiir, xildhibaan Cabaas Siraaji oo ay dilaan ilaalo la socday hanti dhowrihii guud ee qaranka oo ay golaha wasiirada xilka ka qaadeen dhacdadii dilka marxuumka kadib.

Dable Xoogga Axmed Cabdullahi Cabdi Ceydiid, Sadax Alifle Ciidanka Asluubta Cusmaan Salaad Barre Iyo Waardiyihii Wasiirka Dable Xoogga Bila Khaliif Cali ayaa maxkamadda la hor keenay iyadoo sidoo kale maxkamadda la hor keenay saraakiil ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo habeenkii dilka uu dhacayay ku jiray shaqada qaranka , saraakiil booliis ah, gaarahaan qeybta dambi baarista ee CID, kuwaasi oo ay garsoorka maxkamadda ciidamada qalbka sida wax ka weydiiyeen dhacdadii lagu dilay Allaha unaxariiste marxuum x wasiir/xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sh Siraaji.

Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qaraanada difaacayay eedeysanyaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.

ugu dambeyn gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maantay ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ka soo saaraan garsoorka ciidamada qalbka sida dacwadda la xiriirta dilka Allaha Unaxariiste Marxuum x xildhibaan/ wasriir Cabaas Cabdullahi Sh Siraaji oo bishii may ee sanadkan u geeriyooday xabad ay ku rideen ilaalada hanti dhowrihii guud ee qaranka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.