Masuulliyiin ka tirsan Somaliland oo la kulmay Hoggaamiyaha Xibsiga Social Demogratic SDP ee Findland

Finland – (warsoor) – Guddomiyaha Gudigga Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Finland Marwo Saamiya Muuse, ayaa dalkaas ku soo dhawaysay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqalaaha Axmed Xasan Carwo.

Marwo Saamiya Muuse, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo Axmed Carwo, ayaa kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Xibsiga Social Demogratic SDP ee Findland. Waxaana kulankaas lagu lafa-guray Qaddiyadda Aqoonsi ay Somaliland ka hesho bulshada caalamka.

“Waxaa sharaf weyn ii ah aniga oo ah Samia Muse, Guddomiyaha Gudigga Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Finland inaan ku soo dhaweeynu Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo La Talaliyaha Madaxeweynaha Dhaqaalaha Mudane Ahmed Carwo .”  ayay tidhi Marwo Saamiya Muuse oo warbixin ku saabsan qaabillada Masuulliyiinta iyo kulanka ay la yeesheen Xisbiga Social Demogratic SDP.

xildhibaan_obama

Guddomiyaha Gudigga Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Finland Marwo Saamiya Muuse waxay faahfaaahin ka bixisay kulankii dhexmaray Madaxda Xisbiga SDP, waxaanay tidhi, “Waxaannu saaka oo taariikhdu tahay 29.04.2016 la Kulanay

Hoggaamiyaha Xisbiga Social Demogratic SDP Mr Reijo Paananen   oo aan ka tirsanahay iyo saraakiil kale oo xisbigaas ka tirsan. Waxaan ka wada hadalnay Arrimaha Dibedda ee Somaliland iyo sidii ay u taageeri lahaayeen Qaddiyada Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo waliba in safaarad laga furo dalka Finland. Runtii Hadalka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi way soo dhaweeyeen Madaxda Xisbiga SDP, Waxaanay ballanqaadeen Inay xidhiidh fiican la wadaagi doonaan Somaliland.”

kulankii_xildhibaanka

Marwo Saamiya Muuse waxay sheegtay inaanay ahayn markii u horraysay ee kulan dhexmaro Hoggaanka Xisbiga SDP, balse ay kala shaqaysay wakhtiyadii lagu jiray doorashadii 2005 ee dalka Findland, iyadoo arrimahaas ka hadlaysa waxay tidhi, “Maaha markii u horraysay ee aan wada shaqayno Xisbiga SDP, waxaan kala qaybgalay doorashadii Madaxweynaha ee dalka Findland sannadkii 2005”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.