Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xisbiga WADDANI ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka mid ah aqalka Congresska iyo Senateka

USA – (warsoor) – Wefti ballaadhan oo ka socday Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay labada gole baarlamaan ee dalka Maraykanka ee Senateka iyo Congresska, kulanka oo socday saacado tiro badan ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen Aqoonsiga Somaliland, Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee labada dhinac, Doorashooyinka iyo sidii Maraykanku u kordhin lahaa caawimada uu u fidiyo Somaliland.

Waddani_kulankii_senate_USA

Weftiga Somaliland oo uu horkacayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland isla markaana ah guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la kulmay masuuliyiin sarsare oo ka socday illaa lix xafiis oo Senateka ah gaar ahaan xafiisyada Senatorska Chritopher Coons oo laga soo doorto Delware, Johny Isakson oo laga soo doorto Georgia, Tim Kaine oo laga soo doorto Virginia, Ben Cardin oo laga soo doorto Maryland iyo Amy Klobuchar oo laga soo doorto Minnesota. Weftiga Somaliland ayaa sidoo kale kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay Guddiyada Arrimaha Debedda iyo Afrika qaabilsan ee ka dhisan Golaha Senateka.

Waddani_kulankii_senate_USA1

Arrimaha sida weyn loogu soo qaaday kulankan waxaa ka mid ahayd, arrimaha xawaaladaha, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa u soo jeediyey masuuliyiinta ka socotay xafiisyada Senateka inay door ka qaataan sidii loo garab istaagi lahaa hannaanka xawaaladaha, kuwaas oo lama huraan u ah nolosha dadka Soomaalida ah. Masuuliyiinta ka socotay Golaha Senateka ayaa weftiga su’aalo ka weydiiyey arrintan xawlaadaha gaar ahaan miisaanka ay ugu fadhido nolosha dadka danyarta ah, hase ahaatee Guddoomiye Cirro ayaa arrintaasi ku tilmaamay inay tahay mid daruuri u ah nolosha bulshada, dawladda Maraykankana wuxuu ugu baaqay inay xoogga saaraan sidii ay u fududayn lahaayeen iyaga oo samaynaya jidadka ugu habboon.

Waddani_kulankii_senate_USA2

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ugu horrayn uga sheekeeyey masuuliyiinta Maraykanka, Taariikhda Somaliland iyo horumarka ay illaa haatan gaadhay, isaga oo hordhigay in la gaadhay xilligii dawladda Maraykanku ay indhaha u soo jeedin lahayd arrimaha Somaliland, wuxuuna ka codsaday golaha Senateka inay door ka qaataan sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.

Masuuliyiinta ka socotay golaha Sharci Dejinta Maraykanka ayaa si weyn u soo dhoweeyey fikradaha weftiga Somaliland iyaga oo sheegay inay u gudbin doonaan xogta ay ka heleen weftiga dhammaan xafiisyada ay khusayso, sidoo kale waxay ballanqaadeen inay doodda kulankaas ka dhalatay ay gaadhsiin doonaan kulamada lagaga hadlo arrimaha Afrika.

Ka dib kulan socday saacad iyo dheeraad, waxaa weftiga Somaliland qado sharaf loogu sameeyey isla dhismaha golaha Senaterka halkaas oo ay uga sii gudbeen kulan labaad oo ay la qaateen Golaha Congresska Maraykanka.

Weftiga Somaliland ayaa ka kooban Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan MAxamed Cabdullaahi Cirro, Amb. Maxamed Cali, Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga Waddani mudane Maxamed Cismaan Fadal, Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte, Cabdiraxmaan Maxamed Magan, Wakiilka Xisbiga WADDANI ee Virginia, Maryland iyo Washington Nuura Axmed Weris iyo Xubno kale.

Weftigan oo Arbacadii iyo Khamiistii la kulmay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka iyo Hay’adda Mucaawanooyinka Debedda u qaabilsan dawladda Maraykanka ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee waayadan kulamo noocan ah la yeesha dawladda Maraykanka, isla markaana kala hadla xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo sidii Maraykanku door uga cayaari lahaa aqoonsiga Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.