Mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyarada oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furay Barnaamijka Tiir dhexaadka u ah Tayeeynta iyo Fursadaha Hay’adaha Dhaqaalaha. Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project (SCORE) Mashruucaan ayaa waxaa maalgalinaya Bangiga Aduunka, wuxuuna si toos ah ula shaqaynayaa Wasaaradaha Ganacsiga, Dekedaha iyo Bangiga Dhexe kuwaas oo xiriir fiican la leh shirkadaha gaarka loo leeyahay (Privet Sector).

Wasiir_Farkeeti

Mashruucaan daah furkiisa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Dekedaha ee XFS iyo Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna socon doono mudo sadex sano ah, iyadoo uu ku kici doono aduun gaaraya 30 milyan oo doolar, waxaana si gaar ah loogu hormarinayaa shirkadaha gaarka loo leeyahay, wuxuuna gacan ka gaysan doonaa sidii loo abuuri lahaa jawi suura galin kara in shaqo loo abuuro dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiir Farkeeti ayaa sheegay in diirada lagu saarayo Mashruucaan tayeeynta dhanka shuruucda iyo kor u qaadida awooda Wasaaradaha xiriika la leh Ganacsatada.

“Waxaa ugu horeeya talaabooyinka mashruucaan qaadi doono in kor loo qaado Hay’adaha xariirka la leh ganacsiga gaarka loo leeyahay sida Wasaaradda Dekedaha, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Bangiga Dhexe sidii loo hormarin lahaa howlaha ku aadan maamulka iyo maareynta. Iyadoona la soo saari doono lana dhaqan galin doono shuruuc dhiiri galin karta maalgashiga. Waxaa kale oo qayb ka ah mashruucaan in la taageero shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo awood u yeelan doona inay shaqooyin u abuuran shacabka Soomaaliyeed” ayuu yidhi Wasiir Farkeeti

Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi “Mashruucaan waxaa laga fulin doonaa dhamaan dalka, waxaana lagu bilaabayaa Puntland iyo magaalada Muqdisho, waxaana hormuud u ah fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda XFS oo gacan ka helaysa Bangiga Aduunka, lacagta mashruucaan waxaa ku deeqay wadamada deeqada bixiya gaar ahaan wadamada ku bahoobay Midowga Yurub”

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa sheegay in ay farxad u tahay Wasaaradda Maaliyadda in maanta ay kaga dhawaaqdo mashruucaan hirgalintiisa magaalada Muqdisho, wasaaraduna ay diyaarisay wax kasta oo suura galinaya in mashruucaan guulaysto.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.