Maraykanka, Qatar iyo Masar oo isku deyaya inay markale heshiis dhex dhigaan Xamaas iyo Israa’iil

Qaza – (WARSOOR) – Ergada wadahadalada ayaa gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar Sabtidii, iyada oo la filayo inuu halkaas ka furmo kulan lagaga wada hadlayo, sidii loo gaadhi lahaa heshiis xabbad-joojineed oo lagu soo afjaro dagaalka socda muddada lixda bilood ah, isla markaana loo sii dayn lahaa lahaystayaasha kala duwan.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA Bill Burns ayaa isaguna gaadhay magaalada Qaahira, sidoo kale wufuudda soo gaadhay magaalada Qaahira waxaa ku jira Wasiirka arrimaha debedda ee Qatar Sheikh Mohammed bin Cabdiraxmaan al-Thani iyo wefti ka socda Israa’iil, sida ay baahisay warbaahinta al-Qahera ee laga leeyahay dalka Masar.

Xamaas ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Qaahira u diri doonto guddoomiye ku xigeenka Qaza Khalil al-Hayya. Xamaas ayaa markale ku celisay dalabkooda, oo ay ugu horreeyaan, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo dhamaystiran iyo in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan marinka Qaza.

Afhayeenka golaha amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu waraaqo u kala diray madaxweynaha Masar Cabdel Fattax al-Sissi iyo amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Xammad al-Thani, isaga oo ku boorriyey inay ka keenaan dhinaca Xamaas inay u hoggaansami doonaan heshiiska.

Biden ayaa sidoo kale u sheegay Netanyahu inuu awood dheeri ah siiyo ergada ku metelaya wadahadalada Qaahira, si loo gaadho heshiis xabbad-joojineed, sida ugu dhakhsaha badan, kaasoo ogolaanaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo marinka Qaza.

Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday marinka Qaza ayaa loo arkaa inuu yahay, mid ka mida dagaalladii ugu khasaaraha badnaa uguna dhimashada badnaa qarnigan 21aad.