Waa kuma Bassirou Diomaye Faye, madaxweynaha cusub ee Senegal?

Senegal – (WARSOOR) – Ka dib doorashadiisii, ayaa madaxweynaha cusub ee dalka Senegal, Bassirou Diomaye Faye, xilka loo dhaariyey 2-dii bishan April. Madaxweynaha oo ah hogaamiyaha ugu da’da yar qaaradda Afrika ayaa durba magacaabay ra’iisul wasaare cusub, kaas oo isna soo dhisay golihiisii wasiiradda.

Haddaba taariikhda madaxweynaha cusub ee Senegal iyo sida uu u maareyn doono xiriirka uu la leeyahay dalalka Galbeedka Afrika ee ay ku mideysan yihiin ururka ECOWAS iyo ka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeysan jiray, ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Ibraahim Maxamed Maxamuud (Mustashaar) oo arrimaha Africa iyo Carabta aqoon u leh, kuna sugan gobolka Minnesota.