Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka taageereysa dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

Makkah – (WARSOOR) –  Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa war-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, wuxuuna u dhignaa sida tan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya 27-kii Ramadaan 1445-tii Hijriyada, oo ku beeganayd 6-da Abriil 2024-ka. ka dib Casuumaad uu ka helay Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa ku qaabilay Qasriga Al-Safa ee magaalada Makka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halkaas oo ay ku yeesheen kulan rasmi ah oo ay uga wadahadleen arrimo dhowr ah.

Labada hogaamiye ayaa dib u eegis ku sameeyay xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo kulanka la isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda guud ee gobolka iyo tan caalamkaba.

Dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga: Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah si kor loogu qaado is dhaafsiga ganacsiga. 

Waxay tooshka ku ifiyeen koboca ku yimid ganacsiga ka dhaxeeya labada dal sanadka 2022 oo gaaraya ilaa 105% markii loo barbar dhigo sanadka 2021,iyo fursadaha ay abuuri karto aragtida Sucuudiga 2030, si kor loogu qaado iskaashiga labada dal. 

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo is dhaafsiga maalgashi ee ka dhaxeeya, gaar ahaan dhanka: Beeraha, Xoolaha, Kaluumeysiga, Gaadiidka, iyo Dekedaha.

Labada dhinac ayaa soo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay shir-madaxeedka Sacuudiga iyo Soomaaliya, kaasi oo barbar socday shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca Tamarta: Labada dhinac waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida suuqyada Caalamiga ah ee shidaalka, waxayna Soomaaliya soo dhaweysay doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan taageeridda isu-dheellitirka  suuqyada Caalamiga ah ee shidaalka.

Dhinaca Isbeddelka Cimilada: Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo mabaadi’da Axdiga Guud ee Isbeddelka Cimilada iyo heshiiskii Paris, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay horumarinta iyo hirgelinta heshiisyada cimilada. 

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweeysay qorshaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee loogu magac daray “Bariga Dhexe ee Cagaaran”, waxayna taageero u muujiyeen dadaallada Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isbedelka cimilada.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada soo socda: (1) Korontada iyo tamarta (2) Bixinta waxyaabaha laga soo saaro batroolka. (3) Beeraha iyo haqab-beelka cuntada. (4) Isgaarsiinta, tignoolajiyada, iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah. (5) Garsoorka iyo Cadaaladda. (6) Dekedaha, iyo Duulista Rayidka. (7) Dhaqanka. (8) Ciyaaraha. (9) Horumarinta bulshada. (10) Waxbarashada. (11) Warbaahinta. (12) Sahanka dhulka iyo macdanta.

Dhanka Difaaca iyo Amniga: Waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga ee hadda jira oo ku aadan la dagaalanka dambiyada nooc kasta oo ay yihiin, iyo in la qaado tallaabo kasta oo ka qayb qaadanaysa ka hortagga dembiyada tahriibka iyo la dagaallanka argagixisada iyo maalgelintooda, waxayna isla meel dhigeen in la is dhaafsado xogaha la xiriira la dagaallanka argagixisada, lana faafiyo dhaqanka dhexdhexaadnimada iyo dulqaadka.

Waxay kaloo caddeeyeen inay ka go’antahay xoojinta isku-dubbaridka iyo iskaashiga u dhexeeya si ay ula dagaallamaan dambiyada musuqmaasuqa, maxkamadaynta dembiilayaasha, iyo dib-usoo celinta dakhliga ka soo baxa dembiyada musuqmaasuqa, iyada oo loo marayo hay’adaha (GlobE Network).

Boqortooyada ayaa soo dhaweysay isbedelada ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xorreynta deegaanka badan oo ka mid ah dalka, waxayna bogaadisay horumarka ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka AS. 

Waxayna ugu baaqday Beesha Caalamka inay Soomaaliya ka taageerto sidii loo dhameystiri lahaa howlgalka lagu ciribtirayo argagixisada. Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale soo dhaweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku qaaday cunaqabateynta hubka ee saaranayd Soomaaliya, kaasoo awood siinaya ciidamada Soomaaliya inay mas’uuliyadda amniga la wareegaan ka dib bixitaanka ciidamada ATMIS.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale soo dhaweysay dayn cafinta Soomaaliya, ka dib markii ay ku guuleystay dowladda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, taasoo xoojisay kalsoonida ay hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ee ku qabaan dalka.

Heshiis-beenaadkii Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland: Boqortooyada  Sacuudiga ayaa caddaysay inay u taagantahay midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda oo idil.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa caddeeyay inay ku dhegan yihiin go’aankii Jaamacadda Carabta ee ku taariikhaysnaa 1/17/2024, ee ku aadana taageerida amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen inay lama huraan tahay in loo hogaansamo mabaadii’da deris-wanaagga, lagana fogaado dhibaatooyinka ka dhalan kara colaadaha, lagana shaqeeyo wax kasta oo lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, si kor loogu qaado iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Xaaladda Falastiin: Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wadahadlay xaaladda Falastiin, waxayna muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin musiibada bini’aadantinimo ee ka taagan Marinka Qasa, iyo weerarrada bahalnimada ah ee maamulka gumaysiga Israa’iil ku wadaan Marinka, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo rayid ah oo aan waxba galabsan, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la joojiyo duulaanka, lana ilaaliyo dadka rayidka ah.

Waxay sidoo kale ku baaqeen hay’adaha samafalka inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan bixinta gargaarka bini’aadantinimo iyo in beesha caalamku ay ka ciyaarto sidii loo soo afjari lahaa xadgudubyada Israa’iil, waxayna si weyn u soo dhaweeyeen go’aankii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa xabbad-joojin ka dhacda Qasa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaallada lagu doonayo in xal dhameystiran laga gaaro qadiyada Falastiin si waafaqsan mabda’a xalka labada dawladood, Hindisaha Nabadda Carabta, iyo go’aamada sharci ee caalamiga ah ee la xiriira, si loo dammaanad qaado xaqa dadka Falastiiniyiinta ah ay u leeyihiin inay dhistaan ​​​​dawlad madax-bannaan oo Caasimad u ah bariga Quddus.

Xiisada Yemen: labada dhinac waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lagu doonayo in xal siyaasadeed laga gaaro xiisadda Yemen, iyadoo dhinaca Soomaaliyana ay bogaadiyeen dadaalka Sacuudiga ee ku aaddan dhiirigelinta wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta Yemen iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo dhammaan gobollada Yemen. 

Waxay xaqiijiyeen muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka Badda Cas, taasoo ah in xorriyadda isu-socodka ay tahay baahi caalami ah maadaama ay ku xiran tahay danaha dalalka Caalamka oo idil, waxayna ku baaqeen in la xakameeyo lagana fogaado hurinta colaadda, iyada oo laga shidaal qaadanaya xiisada ka taagan gobolka.

Xiisada Suudaan: Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku haya Suudaan inay soo afjaraan colaadda u dhexeysa, waxayna sidoo kale soo dhaweeyeen waxyaabihii ay labada dhinac ku heshiiyeen wadahadalladii Jeddah (2 ) Noofambar 7, 2023, oo ay ka mid tahay in la qaado tillaabooyin lagu fududeynayo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo iyo hirgelinta tillaabooyin gacan ka geysanaysa yareynta dhibaatada dadka Suudaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebagebadii booqashadani uga mahadceliyay, Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-Sugaha Maxamed Bin Salman, soo dhaweynta wanaagsan ee loo fidiyay isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale, Amiir Maxamed Bin Salman ayaa nabad, horumar iyo baraare u rajeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeedba.