MAGACAABIDDA GUDIGA QARAN EE GURMADKA CAAFIMAADKA

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoo ka amba qaadaya xaaladda dagaalka lagula Jira Argagaxisada ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Caafimaadka oo ka shaqeyn doono sidii gurmad Caafimaad Deg Deg ah loo gaarsiin lahaa Ciimada Qalabka sida iyo Muwaadaniinta la Daririraya Argagaxisada.

Guddigan ayaa Ka Shaqeyn Doona sidii adeeg Caafimaad oo Deg Deg ah loo gaarsiin lahaa goobaha la xoreeyay iyo sidii loo daweyn lahaa dadka ay dhibaatada ka soo gaartay Argagaxisada.
Guddiga wuxuu si hoose ula shaqeyn doonaa Hay’adaha kale ee Dowladda ee ka shaqeynaya la dagaalanka kooxaha Argagaxisada.

Xubnaha Guddiga waxay ka kooban yihiin sida soo socota:

  1. Guuleed Cabdijaliil Cali: Gudoomiye
  2. Cabdulqadir Cabdiraxmaan Aadan: Xubin
  3. Maxamed Maxamuud Cadow: Xubin
  4. Axmed Aadam Maxamed: Xubin
  5. Yuusuf Cumar Maxamed: Xubin
  6. Cali Cabdiraxmaan Cusmaan: Xubin
  7. Faarax Yuusuf Maxamed: Xubin
  8. Cabdirisaaq Axmed Cabdullaahi: Xubin

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS HE. Dr. Ali Haji Adam. oo ay Wehelinayso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda HE Dr..Maryan Mohamed Hussein ayaa kulan wadatashi iyo xogwadasg ah laqaatay Guddiga ka jawaabidda xaaladaha deg dega ah ee gargaarka caafimaadka ee magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS.