Taliska Ciidanka Booliska JSL oo Ka Hadlay Gabadh Muqaal Toos ah Ku Sheegtay Inay Isdilayso

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xafiiska war qabadka qabadka deg-dega ah ee Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa goor dhayd soo gaadhay muuqaalo iyo sawiro muujinaaya gabdh sheegasa in ay is dilaso.

Gabadhan ayaa ku sugnayd markaa ay muuqalka baahinasay aaga xabaalihii hore buurta naaso haboold.

Ciidanka booliska gaar ahaan saldhiga macalin haruun ayaa markiiba ka hawal galay halkaasi loo tuhunsanaa, isla markaasina gaadhay goobta.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu u bulshadii kala duwanayd ee xogta muqaaladaas iyo sawiradaasiba la soo wadaagay u sheegayaa in gobta markii ay gaadheen ka wayeen gabadhaasi balse ay ku hawalyihiin sidii ay u heli lahayeen una badbaadin lahayeen.

Waxaanu si gaara ugu mahad-nayanaa bulshada mar walba sida hagar la’aanta ah mar walba ula soo wadaaga Ciidanka Booliska xogaha kala duwan.

XAFIISKA WARBAAHINTA
CIIDANKA BOOLISKA JSL.