Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka Qaybgalay Shirka Sannadlaha ah ee Guddiyada Horumarinta Waxbarasharada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qaybgalay shirka Sannadlaha ah ee Guddiyada Horumarinta Waxbarasharada ee Degmooyinka Dalka oo lagu qabtay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo wasiirku xigeenka wasaaraddaasi, oo ka hadlay shirka ayaa ka warbixiyay   ujeedada shirka loo qabtay in uu yahay horumarinta adeeg bixinta waxbarasho ee dalka.

Duqa degmada   Berbera oo ku hadlayay afka maayaredda iyo Dr. Adna Aadan Ismaaciil oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa  wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ku ammaanay guulaha ay ka gaadhay dhaqaajinta iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Cabdiraxmaan Saylici madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa wasiirka wasaaradda waxabarashada ku boggaadiyay sidu ugu caddaalad sameeyay dugsiyada hoyga ah ee dalka ka dhisan ee ay wax ku bartaan ubadku.

Waxaanu yidhi.“Masuul kasta oo naga mid ahi Kitaab ayuu gacanta saaraa waxaanu ALLE ugu dhaarta iyo dalka iyo dadka iyo diinta waxaan qaba in wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland hawsha sidii loogu igmaday ee uu Qaranka ugu hayay u gutay.

Bulshada waxa deeqa waa caddaalad marka qofkasta oo masuul ahi intii uu masuulka ka yahayba in uu caddaalada deeqsiiyo ayaa loo baahanyahay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, caddaalad ayuu sameeyay, sababtoo ah si isku mid ah ayuu iskuulada hoyga ah ee dalka ka jira wax ugu qaybiyay.”