Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Filand

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda khawaarijta ah.

Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.