Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Arimaha Somaliland iyo Soomaliya, Jocelyn Mason

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Arimaha Somaliland iyo Somaliya Jocelyn Mason, kulankan ayaa lagaga wada hadlay mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Hay’adda UNDP iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, iyadoo la isla eegay mashaariicdii socotey oo soo dhamaatay iyo mashaariicda cusub ee bilaamaysa sanadkan 2023 ka.

Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Hay’adda UNDP ayaa ka wada shaqeeya laba mashruuca oo ay hogaamiso Wasaaradda Arimaha Gudaha, kuwaasoo kala mashruuca maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee JPLG, kaasoo si wayn uga shaqeeya Degmooyinka Dalka iyo mashruuca saraynta sharciga (Rule Of Law), kaasoo isna dhinaca Booliska lagu taageero iyo Hay’ado kale oo Dawlada ah oo iyana ku jira mashruuca saraynta sharciga.

Kulan ayaa ku soo dhamaaday isfam, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo Dardar-gelinta mashaariicda socota, kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil.

Dhimaca kale waxaa Wakiilka Hay’adda UNDP, kulankan ku wehelinayey Kuxigeenka Hay’adda UNDP ee dhinaca mashaariicda Mrs, Sophie Marsham, Samiira Hassan oo ah madaxa Xafiiska UNDP ee Hargeysa iyo Cabdisalaan oo ah madaxa Mashruuca Saraynta sharciga ee (Rule of Law).

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.