Madaxweyne-ku-xigeenka oo si Rasmi ah u Furay Tartanka Ciyaaraha Kubadda Kolayga ee Gobollada Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa tartankii lixaad ee ciyaaraha kubadda kolayga Gobollada Somaliland si rasmi ah u furay habeenimadii Sabtidu soo galaysay oo Garoonka Timacadde ee Hargeysa.

madaxweyne

Furitaankii tartankii lixaad ee ciyaaraha kubadda kolayga Gobollada Somaliland waxa ka qeybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalxiisa Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Md. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalxiisa Somaliland, Md., Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamuud Ismaaciil Deeq, Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Maayarka Gabiley Md Md. Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo Taliyaha Booliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) oo u mahadnaqay dhammaan marti sharaftii ka qeybgashay, gaar ahaan Ciidanka Booliska iyo Telefiishanka Qaranka.

“Munaasibaddan aynu joognaa waa furitaanka tartanka kubadda kolayga ee Jamhuuriyadda Somaliland oo markii lixaad innooga bilaabmaya ama innooga furmaya Garoonka Tima-cadde oo sharaf weyn bay noo tahay inuu nala joogo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), haddana ka horna waxa inoo yimmi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Runtii tartankani waa tartankii lixaad, waxa afar goor oo ka mid ah ku guuleystay Gobolka Maroodi-jeex, halka tartankii ugu dembeeyey uu ku guuleystay Gobolka Gabiley oo isagu ah ka difaacanaya tartankan,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xasan Cabdillaahi.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, ahna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalxiisa Somaliland, Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ugu horreyn u mahadnaqay marti sharaftii iyo dadweynihii ka soo qeybgalay furitaankii tartankii lixaad ee ciyaaraha kubadda kolayga Gobollada Somaliland.

 “Run ahaantii caawa [Habeenimadii 28/10/2016] farxad weyn bay noo tahay waddankeena Somaliland oo nabad ah inaynu joogno Garoonka Kubadda Kolayga ee Timacadde oo aynu halkan ku furi doono tartanka ciyaaraha Kubadda Kolayga ee Gobollada Somaliland.

Waxaan qabaa Somaliland oo dal xor ah, nabadgalyo ah, qiimaha aynu xaggan caawa (habeenkii Jimcaha) ku joogno dadnimada, dalnimada iyo waxay qabsatay, ayaa ay ka turjumayaan ciyaaruhuna iyo horumarka inuu dalkani yahay dal madaxbannaan oo iskii u taagan oo aan cidnaba u daba fadhiyin dawladnimadiisa iyo qarannimadiisa ee jiritaankiisa.

Sida laga warqabo Ciyaartan Kubadda Kolayga waxay ka mid tahay ciyaaraha dunida ugu caansan ee ugu xamaasada, xiisaha iyo daawashada badan, Somaliland-na waxay ka mid tahay Gobolladeeda oo dhan kuwo xidigo badani soo mareen oo aan filayo in aynu caawa daawan doono furitaankii tartankan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxaannu intaas ku daray; “Dhaqan umay ahaan jirin inay Madaxdu timaad garoomada, balse intii ay jirtay xukuumadda xisbiga KULMIYE, ayaa Madaxdeeda oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirradiisa ay dhaqan noqotay inay yimaaddaan garoomada furaan oo ay koobabka bixiyaan, isla markaana dhiirrigeliyaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ka turjumaysaa hoggaamiyaha siyaasadda dalkan, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ku dhisan horumarka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada reer Somaliland. Maalintii xukuumaddani xilka qabatay iyo maanta baa u dhexeeya faraq weyn oo ballaadhan sidii dalkani ahaa guud ahaan, gaar ahaanna dhallinyarada reer Somaliland oo waxa loo hagaajiyey garoomadii, waxa loo qabtay ciyaarihii, waxanna loo abuuray shaqooyin, iyada oo laga qeybqsaatay sidii dhalliyarada loo dhiirrigelin lahaa oo aad iyo aad baynu ugu amaanaynaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda.”

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa yidhi; “Runtii farxad weyn bay ii tahay, dadku in badan waxay aragtaa garoonkan oo sidan u hagaagsan 1992-kii markii aynu waddanka soo galnay oo uu ahaa goob xashiishku yaallo. Waxaan xasuustaa Maxamed Cali (Calo) (AUH) oo ku ciyaari jiray garoonkan, isla markaana ahaa ka mid ahaa Raggii  dhallinyarta abaabulay jiray iyo Rashiid Lugay oo halkaa iiga soo jeeda, soona bilaabay oo aannu 1993-kii ka dhignay meel lagu ciyaaro oo aan anigu markaa ahaa dadkii baranayey Basket Ball ka. Markaa sidaas ayey munaasibadani iiga muhiimsan tahay munaasibadaha kale, waayo kubaddani waa kubadda aan xoog u aqaanay, waa kubadda aan halkan ku ciyaari jiray. Run ahaantiina dhallinyarada Hargeysa waxaan leeyahay marti baa la idiin yahay oo inaad soo dhaweysaan gobollada kale kubaddu keento in si fiican loo wada ciyaaro iyo is-dhexgal oo ay isbartaan cidda ka timmi gobollada.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamuud Ismaaciil Deeq oo u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay in ciyaaraha gobolladu si fiican uga furmaan caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waxaan annigu rabaa in aan u sheego bulshada reer Maroodi-jeex iyo ciyaartoyga Gobolkayga u ciyaaraya in marti la inoo yahay oo aan ahay Badhasaabkii martida loo ahaa. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in aan ahay Badhasaabka Badhasaabada oo aan ciyaartoyga ka socda gobollada dhammaantood aan anigu Badhasaab ama Guddoomiye u ahay, sidaa awgeed ciyaartoyga gobolkayga u ciyaaraya taageeradii gaarka ahaa ee aan idiin muujin lahaa in la idinla wadaago caawa oo aan dadka dalka oo dhan aan u ahay Badhasaab, markaa intaasi waxay ii diidaysaa Gobolka Gabiley shalay hadday koobka qaaday maanta waa inaad soo celisaan.”

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane oo u mahadnaqay dhammaan ka soo qeybgalayaasha, ayaa ku boorriyey dhallinyarada in tartanku uu yahay wax loo baahan yahay, isla markaana ay la isugu hambalyeeyo ciyaar iyo akhlaaq fiican ba oo wadaniyadnimo inaad muujisaan.

Intaa kadib Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ciyaaruhu ay yihiin furaha is dhexgalka bulshada, isla markaana kula dardaarmay kooxa tartankan ciyaaraya iyo taageerayaashoodaba in ay muujiyaan akhlaaq wanaag iyo isu hannaynta guusha, waxaannu kula dardaarmay in ciyaaraha wanaaga iyo sumcadda ay ku dhammaystaan in ay qayb ka qaadanayso sawirka wanaagsan ee qaranka Somaliland.

Waxaa kale oo uu Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo sheegay in mar kasta ay ahmiyadda koobaad xukuumadda KULMIYE siinayso horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha kuna dedaalayaan in ay sii horumariyaan.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay inaan idin kala soo qaybgalo tartankan gobolladda ee kubbadda koleyga, runtii waa guul qarankeenna u soo hoyatay, waxaanan halkan ka sheegayaa inay aniga si gaara farxad iigu tahay oo raggii halkan laga sheegay inay tacab badan geliyeen sidii loo heli lahaa ciyaartoy kubbadda koleyga sida alle u naxariiste Maxamed Cali (Calo) oo aannu iska fasal ahayn sidoo kale ninkii la odhan jiray Dhereeye isna isku fasal baannu ahayn waxay ahaayeen xidigihii kubbadda koleyga 1990-naadkii calanka u siday kubbadda koleyga ee gobollada.

Qof kastaana sida uu ugu tabcado ayaa loo xusuusnaad doonaa sida Alle how naxariistee marxuum Calo waxaan idinku dardaraaya dhammaan siddeeda gobol ee ka qaybgelaya tartankan iyo taageerayaashoodaba waa in la idinka arkaa anshax iyo asluub, guushana aad isku hibeysaan kolley lama wada guuleysanayo, cid koox ayuunbay guushu raaceysaa, waa in laysku hambalyeeyo, gobol kastana waa Somaliland,ciyaartoyga dhammaantood waan hambalyeynaya waxaanan Alle ka baryayaa inuu guul innoogu soo dhammaado,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.