Madaxweyne Ku-xigeenka oo Bogaadiyey Dalal Kaalin ka Geystay Dhismaha Dekedda Maydh

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi ( Saylici), ayaa ku bogaadiyey dalalka Somaliland ka taageera dhinaca Horumarinta dhismaha dekedda Kalluumaysiga ee laga hirgelinayo Magaalada Maydh ee Gobolka Sanaag

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal uu Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ku daabacay bartiisa Twitterka, waxaanu soo hambalyeeyey dalka Denmark, UK Netherlands iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF gacanta ay ka geysteen dhismaha marsadda Kalluumaysiga Maydh oo shalay la dhagax dhigay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in dekedaasi ay saameyn ku yeellanayso Nolosha Lix Boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka Sanaag.