Guushu laba Khatarood dhexdood ayay taalaa

Marka koowaad aan bogaadiyo madaxweyne Muuse Biixi oo sita jookarka siyaasaddeed isagoo bilihii u danbeeyay curiyay ciyaar aan u bixiyay “kala-rog diblamaasiyadeed” oo ruxday caalamka iyo gobolkaba. Dunida waxaad tustay inaad kaalin ku leedahay jaangoynta siyaasadda, isla markaasna aynaan mar walba dibedda ka joogi doonin go’aaminteeda -marti aynaan cidna uga ahayn masiirkeena iyo danteena mustaqbal iyo cid kasta oo aynu isku dan-darsanayno. Ciyaar kasta oo aad bilowgeeda leedahay dhamaystirkeeda adigaa yeelanaya, waana sababta aan waqtigii hore u doorbidayay talaabadan aad hadda qaaday.

Aan ku horeeyo caalamka, jaziiradda Taiwan oo hadda ah meel ay dawladda Shiinuhu ku haysato xuurto siyaasaddeed iyo danta dalweynaha Shiinaha oo ka turjumaysa “Shiine Mid ah.” Tan ayuu Shiinuhu u Dagaallamaa oo uu difaacaa, caalamka kalena uu uga danbeeyaa inuu ku ixtiraamo. Jaziiradda Taiwan oo mar loo yaqaan Farmosa ayaa haysatay xaqqa dalweynaha Shiinaha iyadoo ahayd marin ay reer galbeedku ka galaan dhulweynaha Shiinaha. Shiinuhu hadda wuxuu garbaha u kala bixinayaa inuu noqdo quwada caalamka, waxaanu xoog ku haysataa jaziiraddo badan, sidoo kale jaarkiisa xasarado ayaa ka dhex oogan. Hadda ciidamada Shiinaha ee badda iyo kuwa Maraykanka oo ay weheliyaan Ustralia iyo Canada ayaa isku horfadhiya South China Sea. Shiinuhu wuxuu saldhig ciidan ku leeyahay Djibouti oo deriska la ah Somaliland, dhoolatus ciidana wuxuu ka sameeyay badda cas.

Taiwan oo 40 sanno uu ku xidhnaa quful siyaasaddeed ayaa heshay farajkii u horreeyay waxaana albaabka ka furtay Somaliland. Xidhiidho qarsoodi ah oo labada dal ku dhexmaray meelo cayiman oo London ka mid tahay ayaa isu rogay ka badheedhid diblamaasiyadeed oo noqotay arrin xiiso geliyay caalamka intiisa badan, dawladda Shiinahana ku abuuray cabsi siyaasaddeed. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayuu ahaa ninkii 1967 UN-ta uga dooday Shiinaha si ay u helaan xaq ka maqnaa oo ay dafireen jimciyada quruumaha ka dhaxaysa oo waqtigaas ay Taiwan-Farmosa ku naaloonaysay, haddana cidhibta taariikhda waxaa saxaya Muuse Biixi oo Taiwan ka badheedhay in aan iyana xaqeeda la duudsiin -waana cibaarada taariikhda tan horteena taalaa.

Dawladda Maraykanka ayaa iyadoo dhiirigelinaysa xidhiidhada cusub ee Taiwan-Farmosa isla markaasna Shiinaha dabraysa ayaa aqalka hoose ee Koongaraska uu ansixiyay xeer ay u bixiyeen Tippea act kan oo cadayanaya inuu difaacayo oo maalgelinayo ciddii xidhiidh la yeelata Taiwan. Dawladda Maraykanka iyo Shiinahana way dhex miranaysaa oo xabada ayuun baan afka qoriga ka bixin, sida aad ka warqabtaan toddobaadkan Trump ayaa wareegto Madaxweyne ku xidhay laba shirkadood oo Shiinaha laga leeyahay Tiktok iyo Wechat, sidoo kalena ay xayiraad socdaal saareen 11 sarkaal iyo masuul, Shiinuhuna waa ka jawaabayaa – waa dagaalkii ganacsiga oo sidiisa u socda.

Ka dib marka labada dal is weydaarsadeen is afgarasho heer sarre ah oo xidhiidh ayaa dawladda Shiinaha oo ka walaacsan talaabadaasi ay isku dayday in ay ka gilgilato. Safiirka Shiinaha u fadhiya Koonfurta Soomaaliya ayaa fadhi la qaatay Farmaajo, taasna Biixi wuxuu kaga jawaabay dhirbaaxo diblomaasiyadeed oo wejiga Shiinaha xanuujiyay. La kulankii uu la qaatay wasiir Liibaan oo ku xigeen ah waxay Shiinaha ku qasabtay in ay soo xoojiso safiirka la bahdilay iyadoo degdeg uu u yimid madaxa Afrika u qaabilsan Ha’yadda deeqaha.

Xoojintii Shiinuhu waxay soo bandhigeen in ay maalgelin shuruud ku xidhan oo 50 malyuun ah in siinayaan Somaliland si looga baaqsado xidhiidh Taiwan. Somaliland way ku gacan saydhay damaca Shiinaha, dhirbaaxadan labaad ee ku dhacday Shiinaha waxaa bogaadiyay wasaarrada arrimaha dibedda Taiwan oo tidhi, “saaxiibtinimadu iib maaha.” Qoraaga George Orwell ayaa buuggiisa 1984 ku saadaaliyay in Geeska ay ku dagaallami doonaan Shiinaha oo dhinac ah iyo reer galbeedka oo dhinaca ah – tiibaad moodaa in ay muuqato.

Danjiraha uu Muuse Biixi u diray Tippea Maxamed Xaaji Maxamuud markuu ka degay dalkaas waxay furtay jid cusub. Waxaa maalintii xigtay isna ka degay markii ugu horraysay muddo 40 sanno ah oo laga soo bilaabayo 1979 markii Washington ay xidhiidhka u jartay Tippea kuna doorsatay Beijin xoghayaha caafimaadka ee dawladda Maraykanka Alex Azar. Wasiirka caafimaadka Maraykanka isagoo hawada ku jira ayaa waxaa soo galay xuduudka hawada Taiwan laba diyaaradood oo dagaal oo ay leeyihiin xukuumadda Beijin oo kala ahaa J-11 Iyo J-10, diyaaradahan dagaal oo ay hawada dib uga saareen lidka difaaca diyaaradaha ee ciidamada xoogga Taiwan. Dhacdadaas oo Express.co.uk ay ku tilmaamtay “libiqsigii dagaalka 3 ee adduunka.”

Aan ku danbeeyo arrinta gobolka ka aloosan oo Abiy Ahmed ayaa isagoo ka shaqaynayaa siyaasad cid kale leedahay ayaa is-moodsiiyay inuu Somaliland tahay goob la yaraysan karo. Judhiiba wuxuu qaaday talaabo oo hoos ugu dhigayo heer xidhiidh ee labada dal isagoo safiirkiisa ka qaaday Hargeysa. Gef labaad ayuu galay oo ahayd inuu is tusay khiyaali ah inuu Farmaajo keeni karo Hargeysa isagoo diidan ama moogan xaqiiqada ka jirta halkan.

Wuxuu Abiy Ahmed dib u miirsaday oo caqligii ku soo degay markii ay dalka ka soo degeen wafti sarre oo ka socda dalka Masar. Wufuud sarre oo amni oo uu hoggaaminayo wasiirkiisa Maaliyada Axmed Shide ayuu Hargeysa usoo diray. Waxaanu ku qasbanaaday inuu miiska soo fadhiisto oo dalabkii Somaliland aqbalo. Hadda, Abiy Ahmed waa garowsan yahay saamaynta siyaasaddeed ee Hargeysa taala, halkaa na libinta iyo gacanta sarre waxaa qaatay mudane Muuse Biixi Cabdi oo shaxdiisa siyaasaddeed ku helay dhibco sarre.

Xiisada ka dhex aloosan Masar iyo Itoobiya waxay salka ku haysaa biyo-xidheenka Grand Rennaisance dam oo hal-abuurkiisa uu lahaa Netanyahu oo uga dan leh inuu ku tolo si ay u olosho Masar. Ciyaartaasna waxaa bilaabay Melez Zenawi, hadda Abiy Ahmed caalamka oo dhan wuxuu ka raacay Masar xataa Maraykanka ilaa gollaha amaanka ee qaramada midoobay. Xiisada guddaha ee Itoobiyana weli ma xasiloona oo Abiy Ahmed biladii Nobel Peace Price wuxuu ku xareeyay sanduuq madow. Imaamkii Numcayn binu Xamaad oo la waqti ahaa imaam Shaafici jiilkiisii ayaa kitaabkiisa Fitan wal Malaaxim ku soo raraya ruwaayad odhanysa, “Itoobiya waxaa qabsan doonna nin Azbis la yidhaa oo maraakiib dagaal ku weerari doonna Masar, bilowga dagaalkana si xun u jabin doonna Masar, halka Masar ay leedahay guusha danbe ee dagaalka.”

Weligeedba guul ma gaadhi kartid haddii aanad waajihin cabsida, guushuna laba khatarood dhexdood ayay taalaa – waxaana kala soo baxa geesiga oo qudha.

Dhoomaha libaaxay ku taal
Dhoomatada jaan
Hadba annoo dhiig tufay
Baan soo dhufanayaa
Ee caawaba nin soo dhiija
Oon dhamin ha loo dhiibo.

Cali Jaamac Haabiil

Fg: halkan ka akhri warka
https://www.express.co.uk/…/china-news-world-war-3-taiwan-m…