Wasiir Koore: Xukuumadan maanta joogtaa fursado badan ayay siisay dhalinyaradda

Hargaysa- (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ay tahay xukuumadda keliya ee dhalinyaradda siisay xilalka hogaaminta qaranka ee ugu badan.

Taasoo ay kaga duwan tahay dhamaanba xukuumadihii ka horeeyay ee soo maray xukunka dalka, isla markaana golaha wasiirrada boqolkiiba shan iyo afartan (45%) ay yihiin dhalinyarro.

Sidoo kalena agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha dawladda, haayadaha madaxa banaan ee dawladda iyo sidoo kale agaasime-waaxeedadda dawladda masuuliyiintoodu ay yihiin dhalinyarro.

Saleebaan Cali Koore, oo hadal ka jeediyay xuska maalinta dhalinyaradda aduunka oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxa  uu tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin xooga keliya ay ee Somaliland haysato.

Sidaas darteedna dhalinayarrada looga baahan yahay in ay ku baraarugsanaadaan sidii ay kaalintoodda uga qaadan lahaayeen sii xoojinta iyo horumarinta nidaamka dawladnimo ee Somaliland.