Madaxweyne ku xigeenka JSL oo ka bogsaday xanuunka covid-19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay inuu ka ladnaaday xanuunka covid-19 isla markaana laga waayay baadhitaan lagu sameeyay maalintii shalay.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenku u mahad naqay shacabka JSL ducadii ay usoo duceeyeen mudadii uu xanuunkaasi hayay.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap