Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Kala Diray Kooxihii Ka Shaqayn Lahaa Kaadh Qaybinta Degmooyinka Burco, Buuhoodle Iyo Oodweyne

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Cabdifataax Ibraahin Xasan, oo ka mida xubnaha gudiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in wejigani yahay kii ugu danbeeyay diiwaangelinta Codbiyeyaasha Somaliland iyada oo Kaadhqaybinu ay ka socon doonto Degmooyinkaasi muddo sadex maalmood ah marka mudadaasi dhamaatana la kordhin goobaha degmooyinka qaarkood.

C/fataax Ibraahin Xasan, waxa uu sheegay in mudani ka koobantahay mudadii dadka la diiwaan gelinaayay isaga oo ugu baaqay bulshooyinbka ku dhaqan degmooyinka Burco, Buhoodle iyo Oodweyne in ay ka faa’iidaystaan wakhtiga oo ay hore u qaataan Kaadhkooda Codbixinta, dadka isdiwaan geliyay sanadihii 216 iyo 2017, ayaa ka faa’iidaysanaya fursadan iyaga oo kaadhkooda ka doonanaya goobihii ay iska diwaangeliyeen markii hore.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Burco, ayaa ugu baaqay bulshada in ay ka faa’iidaystaan Kaadhqaybinta si ay jaanis ugu helaan in ay codkooda ka dhiibtaan Doorashooyinka soo socda.