Wasaaradda ciyaaraha oo ka warbixisay ciyaaraha ka socda garoonka Hargeysa Studium

HARGEYSA – (WARSOOR) – Cabdirashiid Caydiiid Yaasiin, agaasimaha waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa ka warbixiyay tartanka horyaalka Caasimadda.

Agaasimaha ayaa sheegay in tartanka horyaalka Caasimada Hargeysa uu maraayo wiigii lixaad iyada oo ay ka qayb qaadanayaan naadiyada heerka kowaad, labaad iyo sadexaad, taas oo koox  kastaaba wigii hal ciyaar la ciyaarto kooxaha ay isku heerka yihiin, agaasimaha ayaa sheegay in tartanku nasasho gelidoono marka la gaadho bisha barakaysan ee Rabadaan marka ay dhamaatana dib loo furi doono.

Agaasimaha waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiiid Yaasiin, ayaa sheegay in ay fulinayaan awaamiirta ka soo baxay gudiga Covid 19, isla markaana ay joojiyeen dadkii ka qayb gelijiray daawashada Ciyaaraha ee garoonka isga oo sheegay in Ciyaartoyga ay mariyaan baadhitaanka Xumda.