Madaxweyne Ku xigeenka JSL iyo weftigii uu hogaaminayay oo gaadhay gobolka Tamilnadu ee Hindiya

HINDIYA – (WARSOOR) – Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay gobolka Tamilnadu ee dalka Hindiya. Madaxweynaha Ku Xigeenka iyo weftigiisa ayaa waxa soo dhoweeyay Waasiirka tacliinta ee dalka Hindiya, isagoo xafiiskiisana ku qaabilay.

Wasiirku wuxuu u balanqaaday Somaliland inuu ka caawin doono dhanka tacliinta. sida oo kale Madawayne ku xigeena iyo weftigiisu waxay soo mareen gobolo kalee oo ka mida dalka Hindiya sida gobolka Bangalore kaasi oo weftigu joogeen muddo laba cisho ah iyago ka wada hadlay sidii somaliland looga caawin laha dhanka caafimaadka.