Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa hambalyo u diray xildhibaanadda loo doortay aqalka hoose ee Baarlamaanka ee maamul goboleedyadda Jubbaland iyo Koonfur-galeebed.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlaya doorashadda ka dhacday labadan maamul goboleed ayaa yidhi, “Doorashooyinka maanta ka billowday Baydhabo iyo Kismaayo waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay shacabka iyo madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in doorashooyinka ay ku soo qabsoomaan watigii loo qorsheeyey”.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sharaxaya waxa ay ka dhigan tahay doorashaddan maanta ka bilaabantay maamul goboleedyadda Jubbaland iyo Koonfur-galbeed ayaa yidhi, “Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin dadban si 2020 aan u wada gaarno doorashooyin hal qof iyo hal cod ah. Bilowga doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka waxey ka dhigantahay in aan ka dhabeynay ballanqaadkii ahaa in doorashooyinka ay ku dhacayaan waqtigii loogu talo galay”.