Kismaanyo – (warsoor) – Maamulo madaxda maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta doortay 8 xubnood oo ka mid ah 43 xildhibaan ee la doonayo in laga soo doorto maamul goboleedkan.
Doorashadan oo ka qabsoontay magaaladda Kismaanyo ayaa waxaa jagooyin ka helay saddex xubnood oo dumar ah.
Xildhibaanadda ku soo baxay doorashadan maanta ka dhacday magaaladda Kismaanyo ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa kala ah: 1) Maryan Aweys Jaamac, 2) Luul Cabdi, 3) Xamza Sheekh Xuseen 4) Xildhibaanada kala ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo hadda ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, 5) Eng. Cabdicasiis Cabdilaahi Yuusuf, 6) Cismaan Libaax iyo 7) Cabdilaahi Yuusuf Alankey.
This post is also available in:
Somali