Jowhar – (warsoor) – Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa saaka gaadhay magaaladda Jowhar, halkaasi oo uu kaga qayb gali doono shir maamul u samaynta goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe.
Madaxweyne Xasan iyo Weftigisiia waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey magaaladda Jowhar maamulka gobolka Shabeeladda Dhexe iyo shacbiga deegaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu furi shirka maamul u samaynta goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe oo maanta ka bilaabmaya magaaladda Jowhar.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay inuu kulamo hordhac la yeesho qaar ka mid ah madax-dhaqameedka iyo aqoonyahanadda gobolka, ka hor intaana aanu si rasmi ah qudbad uga jeedin madasha.
Magaaladda Jowhar ayaa amaankeeda aad loo sugay waxaana lagu soo daad-gureeyey wadooyinka magaaladda ciidamada iskugu jira kuwa dawladda federaalka ah iyo kuwa Amisom.