Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo warbaahinta la hadlay markii ay soo dhamaatay doorashadda madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka cusub ee Hirshabeel ayaa hambalyo u dirtay hogaanka cusub ee loo doortay maamulkaas.
Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay sida uu u arko doorashadda ka dhacday magaaladda Jowhar ayaa yidhi, “Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabellle, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Cali Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay baarlamanka maamulka maamul goboleedka cusub ee Hirshabeelle sida ay ugu guulaysteen inay u doortaan madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkan. Waxaanu sheegay in dhamaystirka hogaanka maamul goboleedka Hirshabeel uu dhamaystiray hanaankii dawladda federaalka ee Soomaaliya.
This post is also available in:
Somali