Maamul Goboleedka Cusub ee Hirshabeel oo Doortay Madaxweyne iyo Ku-xigeenkiisa

Jowhar – (warsoor) – Waxaa magaaladda Jowhar ka dhacay doorashadii madaxweynenimadda ee maamulka cusub ee Hirshabeel. Doorashaddan waxaa madaxweyne loogu doortay Cali Cabdilaahi Cosoble, waxaana madaxweyne ku-xigeen loo doortay Cali Cabdilaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

hirshabeel_doorasho

Doorashaddan ayey u codeeyeen baarlamaanka dhawaan ay soo magacaabay duubabka dhqanka ee gobolkada Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe. Tiradda doorashadan u codeeyey madaxweynaha maamulkan cusub ayaa dhamayd 98 xildhibaan.

hirshabeel_doorasho_madaxweyne

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka cusub ee Hirshabeele Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijaddii codaynta xildhibaanadda ee madaxweynaha, waxaanu sheegay in 61 cod uu helay Cali Cabdilaahi Cosoble halka uu helay ninkii jagadaasi kula tartamaayey 36 cod oo ahaan Maxamed Cabdi Waare, waxaan xumaaday hal cod. Sidaasi waxaa madaxweyne loogu doortay maamulka Hirshabeel Cali Cabdilaahi Cosoble.

Baarlamaanka Hirshabeel ayaa isla markiiba bilaabay inay isna cod u qaadaan jagadda madaxweyne ku-xigeenka ee maamul goboleedka Hirshabeel waxaan ku guulaystay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeel Cali Cabdilaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

hirshabeel_doorasho_madaxweyne-ku-xigeen

Doorashadan maamulkan cusub ee loo doortay maamul goboleedka Hirshabeel ayaa wali waxaa jira beelood ka horjeeda qabsoomidda doorashaddan kuwaasi oo ku sugan magaaladda Baladweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.