Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u Diray Dad Ku Dhintay Shil Baabuur

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah u diray dad muwaadiin reer Somaliland ah oo shil baabuur oo ka dhacay Kaantaroolka Bariga Hargeysa waxaan ku nafweeyey 5 qof.

Dhambaalkan tacsida oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) ayaa u dhignaa sidan:

madaxweyne siilaanyo“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isagoo ka tacsiyadaynaya dadkii ku geeriyooday shilka naxdinta leh ee ka dhacay Kantratoolka bari ee Hargeysa maanta 27/04/2016, shilkaas oo ay ku naf-waayeen 5 qof.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu u naxariisto jannadana geeyo qoysaskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.