Shaqaalaha Ajaanibta Ahi, Waa Ka Qeyb Shaqo La’aanta Dhalinyarada W/Q Maxamuud Xeef

Iyadoo amaanka iyo hanaanka dawladnimo ee ka jira Somaliland mudddada 25kii sanno kor u dhaafaysa ayey illaa hadda aanay muuqanin qorshe cad oo dhalinyarada dalka shaqooyin loogu abuurayo marka laga reebo, shirkado, xafiisyo ganacsi, jaamacado, iskuulo ay ka helaan shaqooyin aan sidaa u badnayn dhaqaalaha ay ka helayaana uu aad uga hooseeyo amaba aanu u dhigmin hawsha ay qabanayaan kuwaas qaar ka mid ah si gaara loo leeyahay.

shaqaalaha_ajaanibka

Waxa kale oo jira haayado maxali ah iyo kuwo caalami ahaba oo ay dhalintu ka helaan shaqooyin fara ku tiris ah oo aan sidaa u badnayn mararka qaarkoodna ayba waayaan shaqo ay soo xareysteen oo lagu dhaafiyo hab qabyaaladeysan iyadoo garabka la saarayo mid aan aqoon iyo xirfadtoona aan u lahayn waana mid ka mid ah waxyaaba tahriibka iyo niyad jabka ku keenay dhalinyaro tiro badan oo dalka ka baxday goor aan habeen ahayn maalina ahayn niyad jabka haysta awgiis.

Sidaas oo ay tahayna waxa dalka ku sugan kuna soo qulqulaya kumanaan shaqaale ajaanib ah oo dalka gudiihiisa ka shaqeeyaa qaatana mushahar 10 jeer ka badan lacagta uu qaato muwaadinka dalka u dhashay oo laga yaabo inuu isagu uga xirfad iyo aqoonba badan yahay ajanabiga debada laga keenay, tusaale ahaan haddii uu qofka ajanabiga ahi uu qaato lacag ku dhaw 4000$ doolar bal qiyaas imisa qof oo muwaadin ah ayey shaqo u abuuri lahayd 10 qof oo midkiiba uu qaadanayo 400$ oo doolar taasina waxay xal u noqon lahayd amaba ay dhimi lahayd shaqo la’aanta baahsan.

Dhinaca kalena dawlada hadda jirta waxay ku guuldaraysatay gaar ahaan wasaarada qorsheynta iyo wasaarada shaqaaluhu inay ka dhabeeyaan balanqaadkoodii ahaa inaan dalka laga ogolaan doonin ajaanib debada laga keensado iyadoo hawsha shaqo ee loo baahan yahay uu qaban karo muwaadin dalka ku sugan, balse illaa iyo hadda ma muuqato wax laga qabtay oo aan ka ahayn in lagu dhawaaqo oo keliya. Arintaasina waa mid saameynteeda leh wakhti xaadirkan una baahan in la muujiyo waxqabad muuqda oo aan ka ahayn hadal keliya iyo qoraal.

Ugu danbeyntii waa in dawlada, baarlamaanka iyo golaha sharci dejinta intuba ay si isku mid ah uga wada xaajoodaan wixii laga yeeli lahaa ajaanibka shaqooyinkii ku cidhiidhyey muwaadinkii dalka  iyadoo la eegayo masaalaxada guud ee dadka iyo dalka, waayo dal kasta waxa horumarin kara dadkiisa ee maaha ajaanib.

Wa bilaahi Tawfiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.