Madaxweynaha Somaliland oo La Tukaday Kumanaan Shacbiga Caasimada Hargeysa la tukaday Salaadii Ciidal Odxada

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta la salaadii Ciidal Odxada la tukaday Kumanaan ka mid ah Shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu hambalyana u diray Shucuubta Islaamka iyo Bulshada Reer Somaliland meelkasta oo ay dunidda ka joogaanba.

Madaxweynaha oo markii ay khudbadda salaadda ciidu dhamaatay hadalk kooban ka jeediyey  waxaa uu yidhi, “Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey. Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena. Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno. Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu soo dhamaystay salaada Ciilada Odxadda waxaa uu shacbiga Caasimada Hargeysa ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada iyadoo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Gudoomiyaha Golaha guurtida, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen, Madaxda dhaqanka qaar ka mid ah, Badhasaabka gobolka Maroojideex iyo masuuliyiin tiro badan.

dsc_0000 dsc_0030 dsc_0002-1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Madaxweynaha Somaliland oo La Tukaday Kumanaan Shacbiga Caasimada Hargeysa la tukaday Salaadii Ciidal Odxada

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta salaadii Ciidal Odxada la tukaday kumanaan ka mid ah Shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu hambalyana u diray Shucuubta Islaamka iyo Bulshada Reer Somaliland meelkasta oo ay dunidda ka joogaanba.