Madaxweynaha Somaliland oo kulan casho sharaf ah u sameeyey ciyaartogya gobolada dalka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha oo munaasibad aad loo qurxiyey ku qaabiley ciyaar yahanada gobolada dalka ayaa khudbad ka jeediyey madashaasi, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Ciyaartoygiinan Cawada Badan, Sharaf weyn bay ii tahay, in aan caawa idinku marti-qaado Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Qasriga looga taliyo qarankeena. Mar labaad, waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Ciyaar-yahannada kala duwan ee ka soo qayb-galay Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland. Sidoo kale, waxaan boggaadinayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan, iyo Garsoorayaasha, kuwaas oo door weyn ka qaatay isku-dubaridka iyo qabsoomidda Tartankan Ciyaaraha Gobollada Dalka. Mar Kale, waxaan hambalyeynayaa Xulka Ciyaartoyga Kubadda Cagta iyo Kubadda Kolayga ee Gobolka Awdal, Gobolka Gabiley, Gobolka Hawd, Gobolka Saaxil, Gobolka Daad-madheedh, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag iyo Xulka Ciyaartoyga Gobolka Xaysimo. Gobolladaas oo ah kuwii u soo gudbay wareegii labaad ee Tartanka Ciyaaraha. Waxaa kale oo aan hambalyeynayaa Xullalka Ciyaartoyga Kubadda Kolayga ee Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo iyaguna u soo gudbay wareega labaad. Dhinaca kale, waxaan hambalyeynayaa Ciyaaryahannadii Gobolladii ku hadhay wareegii koowaad ee tartankii Ciyaaraha Gobollada ee ka dhacay Magaaladda Boorama, iyo Burco.

dsc_0002

Duco-qabayaal, Ujeeddada Ciyaaraha loo qaban-qaabinayaa, ma’aha oo keliya maaweelo iyo madadaalo, balse nuxurkeedu waa mid ka gun-dheer. Tartannada kala duwan ee ciyaaraha, siyaasadda aynu ka leenahay waxa bud-dhig u ah, in ay is-dhex-galaan, isla markaana is-bartaan dhallinyarada ciyaartoyga ahi. Waxa kale, oo aynu kula dagaalamaynaa inay dhallinyarada ka mashquuliso balwadda, tahriibka, rabshadaha, ku-biirista kooxaha xag-jirka ah iyo qabyaaladda. Adeerayaal, Waxaynu leenahay jidhka caafimaadka qaba, ayuu caqliga caafimaadka qabaa ku jiraa. Sidaa darteed, waa in aynu xoojinaa tartannada ciyaaraha.

Waxaan idin leeyahay ceeb ma’aha in lagaa badiyaa, balse waxa ceeb ah in aad cadhooto haddii lagaa badiyo. Sideedaba ciyaaraha, ama loolanka siyaasadda maalin adigaa badiya, maalinna waa lagaa badinayaa. Haddaba, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad u tartantaan si nadiif ah, oo xushmad iyo xaq-dhawr ku jiro. Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan xidhiidhka, is-dhexgalka iyo is-barashada dhexdiina. Duco-qabayaal iyo Adeerayaal,Waxaan idinku adkaynayaa in aad ka feejignaataan cudurrada cadowga u ah ciyaartoyga, ee ay ka midka yihiin qaadka, qabyaaladda, iyo qulubka keena dal nacaybka iyo tahriibta. Waxa inoo ballan ah, in aynu xoojino midnimada, Nabadda, iyo wada-jirka ummaddeena, si aynu u hiigsanno horumar iyo himilo wanaagsan.

Waxa maanta dalkeena ka jira qaybo ka mida abaaro xun, oo waxyeelo weyn u gaystay duunyadii la dhaqanayey, dadkiina loo baqayo. Toddobaadkii la soo dhaafay, waxa guddidii aan u xilsaaray gurmadka abaaraha qaranka iyo Wasaaradihii ku shaqada lahaa ay mashquul ku ahaayeen:

  1. Gaadhsiinta Gurmad Degdeg ah, gaar ahaan goobihii qaylo-dhaanta xooga lihi ka timi (Raashin iyo Biyo).
  2. Diyaarinta Xogo Rasmi ah, oo ka turjumaysa xaqiiqada xaaladda abaarta jirta.
  3. Diyaarinta qorsheyaal balaadhan oo loogu gurmanayo dadka abaaruhu tabaaleeyeen.

Maalmaha soo socda Ilaahay idamkii, waxa la soo bandhigi doonaa warbixinahaas. Sidoo kale, waxa si mug leh, loo samayn doonaa gurmad balaadhan oo ku wajahan abaaraha.

Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, in ay si isku-tashi iyo naf-hurisnimo leh uga qayb-qaataan, kaalmada iyo gurmadka loo samayn doono, walaalahooda abaaruhu wax-yeeleeyeen. Waxaan leeyahay dadkayga “Marka aynu isu naxariisanno, ayuu Ilaaheen inoo naxariisanayaa”. Nabigeenii Suubanaa, Nabad iyo Naxariis Eebe Korkiisa Ha Ahaatee, waxa uu yidhi: “Kuwa Naxariista, Waxa u Naxariista, Allaha Naxariista Badan” Sidaas darteed, waxaan ku guubaabinayaa dadweynaha gudo iyo dibed, qurba-joog iyo qolqol-joog, intuba, in aan loo kala hadhin gurmadka abaaraha.

Waxaan idin leeyahay dadkaygiiyow, waxaynu nahay hal dal, hal dad, iyo hal dareen. Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf, Abaarta soo noqnoqonaysana Alle inaga dul-qaado, waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaano, isna saamaxno. Waxa kale oo inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqono, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay. Waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirka dhexdeena, isla markaana aynu taladeena iyo towfiiqdeenna ummadnimo toosino.

Waxa dhab ah, Murtidii aynu ka dhaxalnay awoowayaasheenii hore “Shan Nin oo isku-talo ah, Hal Shansho ayaa ka go’oda, Shan Nin oo kala talo ahna, shan shansho ayaa ka go’oda”.Waad mahadsan-tihiin, Munaasibadaasi oo ahayd mid ay ak soo qaybgaleen gudoomiyaha Xisbiga kulmiye, gudoomiyaha xisbiga Ucid, madaxdhaqameed, xildhibaano, salaadiin gudoomiyeyaasha gobolada dalka, qaar ka mid ah maayarada magaalooyinka dalka iyo masuuliyiin dooraya ayaa ku soo dhamaatay jawi qurux badan iyo farxad ay kala dareeren ciyaar yahanadii ku caawa madaxweynuhu casuumay, iyagoo khudbado u jeediyey masuuliyiintaasi da’a yartaasi.

dsc_0000 dsc_0057

dsc_0004

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maalmaha soo socda ILAAHAY idamkii, waxa la soo bandhigi doonaa warbixinahaas. Sidoo kale, waxa si mug leh, loo samayn doonaa gurmad balaadhan oo ku wajahan abaaraha.