Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Kalluumaysiga Oo Iska Casilay Xilkii Xalay Madaxweyne Silaanyo U Magacaabay

Hargeysa โ€“ (warsoor) – Wasiir Ku Xigeenkii Xalay loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Dhago-wayne, ayaa goor dhawayd sheegay in aanu qaban Karin xilka uu xalay u magacaabay madaxweyne Silaanyo isla markaana uu ka cudurtaay.

Cabdiqaadir Dhagowayne ayaa ku sababeeyay cudurdaarkiisa in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay, isla markaana aanu diyaar u ahayn in uu xilkaasi qabto.

Mudane Dhagowayne ayaa xilkan loo magacaabay isagoo dalka ka maqan kuna maqan dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubia.

dhago

Dhinaca kale, iyaguna waxa isa soo taraya wararka sheegaya in masuuliyiin kale oo xalayย  uu madaxweyne Silaanyo magacaabay ay is casili doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.