Madaxweynaha Somaliland oo Baaq-nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ee Ku Diriray Deegaanka Ceel-afweyn

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa baaq-nabadeed u diray labadda beelood ee ku dagaalamay deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

siilaanyo

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland oo lagu shaacinaayey baaqa madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:

“Baaq Nabadeed oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u dirayo beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaamada Ceel-afweyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu baaqaasi ku yidhi “Nabadgelyada, is xaqdhawrka, wada noolaanshaha iyo degenaanshuhu waa tilmaamaha tolmoon ee lagu tilmaansado ummadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana aynu ku caanno maalnay muddo ka badan rubuc qarni. Nabadgelyadu waa aas-aaska jiritaanka qarannimadeena waana waajib inaynu dhammaanteenba ka wada shaqayno adkaynta nabadaiyo xasiloonida.

Sidaa darteed waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dhiig, dhalasho iyo dhaqanba wadaaga inay joojiyaan colaadda, dilka iyo dhiiga macno darrada u daadanaya. Dalkeena kama go’do maanta in dad inagaga dhinto dagaal aan loo baahnayn, wixii is maandhaaf ah ee jira ha lagu dhameeyo tubta aynu dhaqanka iyo caadada u lahayn ee ahaa wada xaajood, is afgarad iyo talo walaalnimo oo la isu tanaasulo.

Dagaal waxa ku dhinta wiil, walaal, hooyo, habaryar, eedo, seedi, soddog. soddoh iyo ehel ka kaleba ee dagaal dad kuma dhasho. Walaalayaal ha la joojiyo dagaalka iyo dhiiga aan inaga go’in ee dhexdeena ku daadanaya.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaa iyo guud ahaan shacbiga Somaliland.

Ugu dambayna waxan ku celinayaa baaqaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo, waxanan si toosa ula hadlaya madaxdhaqameedka deegaamadaasi, waxgaradka iyo waayeelkaba inay ku dedaalaan sidii loo xakamayn lahaa colaadaasi, intaanay si fidin”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.